Weerar Bambaano oo lagu qaaday Ciidamo AMISOM oo marayay gudaha magaalada Marka

0
909

AmisomMarkaWeerar bambaano ayaa maanta lala beegsaday Ciidamo ka tirsan AMISOM oo marayay gudaha magaalada, iyadoo weerarkaas uu sababay dhaawacyo soo gaaray dad shacab ah.

Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada AMISOM ayaa xilliga bamka lagu weerarayay marayay suuqa magaalada, inkastoo aan la soo sheegin in ciidamada ay rasaas fureen markii qaraxa dhacay.

Guddoomiyaha degmada Marka Xasan Cumar Macalin ayaa xaqiijiyay in labo ruux oo shacab ah ay ku dhaawacmeen qaraxaas oo mid ka mid ah ay haweeney aheyd.

“Qaraxa AMISOM waxba kama soo gaarin, labo ruux oo shacab ah ayaa firir soo gaaray oo mid haweeney aheyd, kooxihii bamka soo tuuray wey baxsadeen”ayuu yiri Guddoomiyaha degmada Marka.

Xaalada degmada Marka ayaa hada ah mid degan, waxaana markii qaraxa bambaano lagu weeraray Ciidamada AMISOM dadka soo wajahay cabsi, iyadoo la xiray goobaha ganacsiga, balse mar dambe dib loo furay.

31-kii bishii July ayay aheyd markii Ciidamada AMISOM ay dad rayid ah ku laayeen magaalada, kadib markii Ciidamada ay sheegeen in qarax lagu weeraray, dadka ay dileen Ciidamada waxaa ku jiray hal qoys.

Jowhar