WEERAR CULUS OO KA DHACAY SACUUDIGA XILLI WELI AMAKAAG KALE JIRAY

0
521

war_deg_deg

Nin Hubeysan ayaa waxa uu goor dhaweyd weerar ka geystay Dalka Sacuudiga xilli dadku la amakaagsanaayeen isbuurasho sababtay dhimashada dad kabadan 700 qof.

Weerarka waxa uu ka dhacay Magaalada Al Shamli la yiraahdo ee ku taalla Wuqooyi Galbeed Boqortooyada Sacuudiga.

Ilaa hadda waxa la xaqiijiyey in Labo askari oo katirsanaa Booliska Sacuudiga lagu dilay iyadoo labo qof oo shacab ah weerarkaasi sidoo kale ay ku dhinteen.

Wakaalada Wararka ufaafisa Dawlada Sacuudiga ee lagu magacaabo SPA ayaa sheegtay in hadda socdaan baaritaan kusaabsan sida weerarka udhacay iyo ujeedka ninkaasi hubeysan weerarka ugeystay