WIILAL LOO XIR XIRAY MASJID LONDON KU YAALA OO DAB LA QABADSIIYAY.. DAAWO SAWIRO

0
1425

Masaajid4

Masaajidkan oo ku yaala Koonfurta Magaalada London, ayaa gelinkii dambe ee Sabtidii uu dab qabsaday, inkastoo la tuhmayo in dabkaasi uu ka dhashay, markii la qabadsiiyay dhismaha Masaajidka.

 Deminta dabkan oo ay ka qayb qaateen 70 ka mid ah baabuurta dab demiska, ayaa horseeday in laga hortaggo waxyeelo badan uu dabka u gaysto dhismaha Masaajidka.

 Dabkan, ayaa khasaaro xoogan u gaystay dhismo ku dheganaa Masaajidka, oo xafiisyo shaqo u badnaa. Muslimiinta ku nool Magaalada London waxay mahdinayan in khasaaraha soo gaaray Masaajidku uu noqdo mid aan badnayn.

 Masaajidka oo lagu magacaabo Baitul Futuh, ayaa ka mid ah Masaajida ugu weyn ee Qaaradda Yurub, walow mararka qaar loogu yeero inuu yahay Masaajidka ugu weyn ee Yurub.

 Dhinaca kale xoogaga ammaanka ee Magaalada London, ayaa dhacdadan u xiray laba wiil, oo la tuhunsan yahay inay ka dambeeyen dabkii qabsaday Masaajidka.

Wiilasha la xiray oo da’doodu lagu kala sheegay 16 iyo 14 sano jir, ayaa waxaa ku socdo baaritaan ka dhan ah falka loo soo xiray.

Masaajid5 Masaajid6 Masaajid7 Masaajid8