XOG MUHIIM AH: ALSHABAAB OO MADAAFIIC KU GARAACEY MEELO….SII AKHRI AAD OGAATIDE.

0
416

hoobiye

Saldhig ay leeyihiin Ciidamada AMISOM oo ku yaala deegaanka Leego ayaa lagu soo waramayaa in Maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab inay weerar madaafiic ah ku qaadeen.
Wararku waxay sheegayaan in Ciidamada AMISOM ay iyana madaafiic ugu jawaabeen, waxaana la soo sheegayaa in dhowr madfac ay ku dhacday agagaarka Saldhiga AMISOM ee deegaankaasi.
Sargaal lagu magacaabo C/qaadir C/raxmaan Cali Baraf ayaa in Madaafiicda ay Al-Shabaab ku garaaceen Leego ay yihiin kuwii horeya looga furtay Ciidanka AMISOM dagaaladii ka dhacay Janaale iyo Leego.

Wuxuu sidoo kale sargaalkaas sheegay in Howlgal ay Ciidamada Xoogga iyo kuwa AMISOM wada jir u fuliyeen lagu soo qabtay qaar ka mid ah Madaafiicda Al-Shabaab ay wax ku soo Weerareen,isagoo intaa raaciyay in Khasaare la gaarsiiyay Maleeshiyaadkii Al-shabaab ee halkaasi weerarka ku soo qaaday.

Dhanka kale ma jirto warar madax banana oo xaqiijinaaya inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay weerarkaasi ee lagu soo qaaday saldhiga Ciidamada AMISOM ee Degaanka Leego.