Xulka Qaranka Ee Cayaaraha Fudud Oo Congo Uga Qeybgalaya Ciyaaraha All African Games 2015+Sawirro

0
1206

orod

Ciyaartoyda Xulka qaranka ciyaaraha fudud ayaa maanta ka Ambabaxay garoonka diyaaradaha Aaden Cadde iyaoo kusii jeeda dalka Congo oo ay uga qeyb galayaan ciyaaraha All African Games 2015, waxaana wafdiga hoggaaminaya wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinayarda iyo isboortiag Cusmaan Aadan Dhuubow.

Guddiga Olombikada Soomaaliyeed ayaa Ciyaartoydan xereeyay bishii January ee sandkan waxayna tabbar qaadanayen sideeddii bil ee lasoo dhaafay.

Ciyaartoyda ayaa kala ah Axmed Xuseen oo u tartamaa 800 iyo 1500 mtr Cali Iidow 5000 iyo Maryan Nuux oo u tartamaysa 800.

Ka hor Inta aysan amaba bixin waxaa xarunta Gos ciyaartoyda kula hadlay guddoomiyaha Gos Cabdullahi Axmed Tarabi,waxuuna u shegay in laga doonayo dadaal iyo karti dheeri .ciyaaro wanaagsana ay soo bandhigaan.

orord

” Ujedka Gos waa sidii lagu heli lahaa ciyaartoy da’yar tayadiisuna ay wanaagsan tahay ,” ayuu guoomiy Tarai yiri.

Cali Iidoow oo 5000 mtr ku tartamaya ayaa ah da’yar ay Gos kasoo xushay tartanka dugsiyada 2014 waana qayb ka mid ah dadaalada ay Gos ku doonayso in ay kusoo saarto ciyaartoy mustqbal leh.

Ciyaartoyda Xulka qaranka Ciyaaraha Fudud ayaa ka qeyb gali doona Ciyaaraha All African game soo 4 September ka bilaaban doona Brazzaville ee Dalka Congo.

orodo