YAAB: QOYS SOOMAALIYEED OO AAS U SAMEEYAY MUKULAAL SHIL KU DHIMATEY

0
1687

BISAD

Qoyskan Somaliyeed oo degan Magaalada London, ayaa aas u sameeyay bisad rabaayad u ahayd, ka gadaal markii shil baabuur ay ku dhimatay.

Qoyskan, ayaa waxaa xiriir la soo sameeyay Booliska, iyagoona ku wargeliyay in shil baabuur ay ku dhimatay bisadoodii, isla-markaana la dhigay isbitaalka xanaanada xoolaha. Mar dambena laga soo wacay isbitaalka, loona sheegay inay dhimatay bisadii.

Aabaha qoyskan oo lagu magacaabo Aadan Warsame Buryar oo dhacdadan ka sheekeeyay, ayaa sheegay in isbitaalka ay ku yiraahdeen iska tuuro baqtiga bisadda, marba haddii ay dhimatay. Laakiin loo sheegay dalka Britain inaanan meydadka bisadaha leeska tuurin, oo anshaxuna uu yahay in la aaso.

Wuxuu sheegay in loo soo bandhigay saddex sharuudood, oo bisadda meydkeeda lagu asturi karo, kuwaa oo kala ah in bisadda lagu aaso khabuuraha xayawaanada, in meydka bisadda la gubo iyo in haddii ay lee yihiin jardiin ama beer ku dhex taala hoygooda, lagu aaso bisadda.

Aadan Warsame oo la hadlay Laanta afka Somaliga ee BBC, ayaa sheegay in ugu dambeen uu go’aankoodu noqday in meydka bisadda lagu aaso jardiinka gurigooda, balse ay toddobaad ku qaadatay, sidii uu ubadkiisa kaga dhaadhicin lahaa in meydka bisadda lagu dhex aaso guriga.

Buryar, ayaa ku waramaaya in gabar uu dhalay ay laheyd bisadda, waxa uuna magaca bisadda ku sheegay Mayal. Shilka ay ku dhimatay bisadda ayaa ka dhacay meel ku dhow hoyga qoyskaasi.

Buryar, ayaa intaa ku daray in looga soo tacsiyadeeyay geerida ku timid bisadda, fasaxna uu ka helay goobta uu ka shaqeeyo, si uu u soo guto tacsida.

Arrinta layaabka leh, ayaa waxaa weeyan sababta uu Boolisku ku ogaaday inay shil gashay bisaddii qoyskaasi Somaliyeed, iyadoo bisadaha iyo eeyda dalkaasi uu ku xiran yahay qalab yar, oo sheegaaya magacyadooda, qoyska iska leh iyo ciwaanada qoysaskaasi lagala xiriiri karo.

Waa hubaal dad badani inay dhacdadani ku noqon doonto mid layaab leh, iyadoo aad ogtahay in wax aan macno lahayn dadkii lagu laynaayo dalal ay ka mid tahay Somaliya, halka wadamada horumaray laga dhowro xuquuqda xayawaanada.