Zimbabwe oo Muwaaddiniin Soomaali ah dalkeeda ka tarxiileysa

0
954

Zimbabwe-816x408

Dowlada Zimbabwe ayaa musaafurineysa Muwaadiniin Soomaali ah oo jooga dalkaasi, kadib markii Maxkamad ay sidaasi xukuntey

Muwaaddiniinta Soomaalidaa ah ayaa lagu kala magacaabaa Cabdi cabdi Qaadir iyo Abshir Cabdi Qaadir oo Walaalo ah ,waxaana lagu eedeeyay in ay dalkaaasi ku joogeen Sharci darro sidoo kalena wadeen Badeeco loo yaqaano Cassava oo laga adeegsado Dalka Brazil.

Maxkamadda ayaa Abshir horay ugu xukuntay Xabsi 5 Bil ah iyo Lacag dhan $50 Doollar,waxaana dib loo dhigay Maxkamadeynta Cabdi oo shalay dhacday,waxaana isna lagu xukumay Xabsi 5 bil ah iyo $50 Doollar oo xukunka kadibna lagu celinayo Soomaaliya.

Qareenka u doodayay Muwaadiniintan ayaa sheegay in aysan aqoonin Luuqadaha Ingiriiska iyo faransiiska midna islamaraakan aysan is difaaci karin,waxaana qof kale oo lagu eedeeyay in uu iyaga caawinayay lagu xukumay kaliya in uu bixiyo $50 Doolar.