20 ruux oo ku geeriyootay labo Qarax oo ka dhacay Caasimada dalka Turkiga ee Ankara

0
1258

Goobta qaraxa uu ka dhacay sidoo kale waxa ay u dhaweyd goob tareenada laga raaco oo ku taallo Magaalada Caasimada ee Ankara dalka Turkiga.

Dad goobta joogay ayaa Warbaahinta u sheegay iyadoo xaalada ay caadi tahay uuna socdo Banaanbax ku aadan dhameynta Qalalaasaha ay geystaan Jabhada PKK mar qura ay dhaceen qaraxyada.

Dadkii meesha joogay waxa ay soo tabiyeen dad gaaraya 20 ruux inay halkaasi ku dhinteen durbana meesha lagu kala yaacay oo intii bad qabtay ay kala carareen.

Dowladda  Turkiga ayaa sheegtay in qaraxyadan ay ahaayeen kuwa Argagixiso, balse ay wado baaritaan ku aadan cida ka dambeysay qaraxyada.

Ilaa hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada Qaraxyadan dhiiga uu ku daatay ee ka dhacay dalka Turkiga, gaar ahaan caasimada Ankara.

Ku dhawaad 100 ruux ayaa la soo tabinayaa inay ku dhaawacmeen, Qaraxayadaasi inkastoo Khasaaraha intaasi uu ka badan karo.

321