Qarax ciidamada Amisom lagula eegtey Gobolka Shabeelaha hoose.

0
903

war-deg-dega121Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in ciidamada Amisom ee u jooga dalka gacansiinta dowlada federaaalka Soomaaliyeed qarax lala eegtey.

Wararka waxay leeyihiin Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa kolonyo ka tirsan gadiidka ciidamadda AMISOM waxaa lagula eegtay deegaanka Leego oo gobolkaasi ka tirsan.

Ma jirto cid sheegatay weerarkani, mana jirto hadal ku aadan weerarkani oo ka soo baxay dhinaca Amisom.

Sidoo kale, Lama hayo qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkani miinada ah, hase yeeshee warar duul duul ah oo laga helay ilo kala duwan ayaa sheegaya in uu jiro khasaaro dhimasho iyo Dhaawacba leh.

Gudoomiyaha deegaanka Leego Abuukar Cabdulaahi Isaaq Al Cadaala oo la hadlay Radio Dalsan ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay qaraxa ka dhacay deegaanka.

Dhegeyso Wareysigii Radio Dalsan ay la yeelatey Gudoomiyaha

      War-mada

Wixii warar ah ee ku soo kordha arrintani waan idin soo gudbineynaa