Shah Rukh Khan, Salman Khan iyo Aamir Khan awooda Bollywood-ka iyaga ayay ku kooban tahay 25-sano ee ugu dambeesay.
Waana sedexda atoore ee si joogto ah 25-sano ee ugu dambeesay ula imaanayeen aflaan hirgaleen, waa jireen xidigo Khans-ka booska kala baxeen ama qal qal galiyeen awoodooda.
Sida Sunny Deol, Anil Kapoor, Govinda, Akshay Kumar, Ajay Devgan, Hrithik Roshan iyo kuwo kale laakiin xidigahan kuma aysan guuleesanin inay sida 3-Khans oo kale ay sanad walbo Boxoffice-ka wacdaro ka dhigaan.
Hadaba awooda Khans-ka waxay noqotay mid waarto oo ka sareyso dhamaan wax qabadka xidigaha kale taasi oo u sahashay inay noqdaan sedex Super Star oo aan loo dhawaan karin.
Laakiin 3 Khans dhexdooda xifaaltanka ka dhex taagan ma ahan mid dhamaado weliba dooda ku aadan qofka ah atooraha kowaad ee Bollywood-ka ugu awooda badan waa dood aan dhamaad laheyn madaama mid walbo meel ku fiican yahay.
Hadaba maanta waxaan idiin heynaa 3 Khans iyo mid walbo aflaanta kaligiis uu hogaamiye ka yahay (Solo Hero movies) ee Hit-ka dhameestiran u noqdeen.
Solo Hero Movies waxaa loola jeedaa filim atooraha kaligiis uu 80% ama 90% masuuliyada filimka isaga leeyahay taasi oo hadii uu filimkan guul dareesto isaga ay qasaaraha soo gaareyso hadii uu guuleestana amaanta iyo saameynta 100% isaga qaadanaayo.
Sidaa darteed hoos kaga bogo Salman, SRK iyo Aamir mid walbo aflaanta kaligiis uu masuul yahay kuwaas oo Hit dhameestiran noqdeen:
Solo Hits of Salman: