Aishwarya Rai “Hada Ayaa Ogaaday Hooyo Walbo Oo Fanka Ka Tirsan Dhibka Ay Marto!”

0
1605

Aish

Mudo 5-sano kadib ayay Bollywood-ka dib ugu soo laabatay Aishwarya Rai Bachchan waxaana xidigtan usoo baxay filimka sheekadiisa la wada amaanay Jazbaa.

Xidigtan waaya araga ah ayaa ku faraxsan in filimkeeda bandhiga ay ka sameesay la wada amaano laakiin Aish arin muhiim ah ayay ka dhawaajisay.

Aishwarya Rai ayaa u garaabtay hooyo walbo oo Bollywood-ka ka tirsan midaas oo ku dhiiratay inay shaqada fanka sii wadato.

Aish waxay tiri “Jazbaa sameyntiisa dhib badan ayaan kala kulmay weliba qoyskeyga oo ii baahan ayaan dayacay gaar ahaan gabadheyda Aaradhya”

“Hada ayaan ogaaday hooyo walbo oo Bollywood-ka ka tirsan dhibka ay marto waayo filim sameynta ma sahlano marka aad hooyo tahay”

“Waa muhiim inaad gurigaaga ka warqabtid sidoo kalena qofka shaqadiisa inuu sii wato wey fiican tahay laakiin ma ahan arin sahlan in la isku garab wado masuuliyada qoyska iyo filim jilista”