Ajay Devgan Shirkadiisa Oo Dhanka Farsamada Ka Caawin Doonto Filimada PRD, Tamasha Iyo Dilwale

0
1737

Shirkada weyn ee Super Star Ajay Devgan iska leeyahay sidoo kalena ka shaqeyso sida filimada loogu sameeyo barnaamijka VFX kaasi oo ah aalada casriga ah iyo sida ficiliada beenta ah run loogu ekeen siin karo ayadoo la adeegsanaayo qalab casri ah.

Devgan shirkadiisa cusub ee VFX-ka sameyso waxaa lagu magacaabaa NY VFXWAALA halka xarfraha NY ay u taagan magacyada labadiisa caruur ee lasoo gaabiyay gabadhiisa Nysa iyo wiilkiisa Yug.

Hadaba Ajay Devgan shirkadiisa waxay sameynta VFX ka caawin doontaa filimada waa weyn ee la wada sugaayo haba ugu horeeyaan Prem Ratan Dhan Payo oo uu Salman Khan hormuud ka yahay, Tamasha oo ay Ranbir iyo Deepika isla wadaan iyo filimka Dilwale ee SRK iyo Kajol hogaamiye ka yihiin.

Sidoo kale shirkada NY VFXWAALA waxay xalin doontaa oo aad ugu mashquulsan tahay sidii ay ugu diyaarin lahayd VFX dadka indhahooda soo jiidan karo filimka Shivaaay ee Ajay Devgan Director iyo atoore ka yahay lagana daawan doono daafaha caalamka sanadka dambe.

Ajay Devgan shirkadiisa aaladaha casriga ah filimada ka caawiyo sidoo kale waxay la shaqeyn doontaa dhamaan shirkadaha Koonfur Hindiya ka jiraan sida Tamil iyo Telugu.

MARKACADEEY.COM, MUQDISHO

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha: