Alex Ferguson Oo Ka Dhawaajiyay Labada Goolhaye Ee Ugu Wanaagsan Dunida Xiligaan & Goolhayaha Uu Damacsanaa Saxiixiisa Ka Hor De Gea

0
1265

Fargie

Macalinkii hore Manchester United Sir Alex Ferguson ayaa shaaca ka qaaday in  Manuel Neuer iyo David de Gea ay yahiin labada goolhaye ee haatan ugu wanaagsan dunida kubada cagta.

Goolhayahaan xulka jarmalka Neuer ayaa kusoo biiray Bayern Munich 2011 isagoo markaas kaga yimid kooxda Schalke 04 ee isla Jarmalka waxaana haatan loo tixgeliyaa inuu yahay goolhayaha ugu fiican qaarada yurub.

Sidoo kale De Gea ayaa sameeyay hormar buuxa wuxuuna ka mid noqday liiska goolhayeyaasha lagu tixgeliyo kubada cagta dunida tan iyo markii uu sanadii 2011 kaga yimid Atletico Madrid.

Ferguson ayaa shaaca ka qaaday in labadaan goolhaye ee Neur iyo De Gea ay yahiin kuwo la qiimo ah Lionel Messi iyo Ronaldo marka la eego kaalintooda goolhayenimo.

“Neuer iyo De Gea waa labada goolhaye ee ugu wanaagsan dunida” Ayuu Ferguson ugu waramay Kicker.

“Waxaad heysataa in Messi iyo Ronaldo ay yahiin labada xidig ee ugu fiican garoonka dhexdiisa balse Neuer iyo De Gea waa laba goolhaye oo u dhigma”

Ugu dambeyntii Ferguson ayaa ku waramay inuu isku dayay Saxiixa Manuel Neuer sanadkii 2011 ka hor inta uusan De Gea lasoo saxiixan.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.