Ali Bhatt “SRK Waa Qof Dadka Oo Dhan Ka Dhaxeeyo Waxayna Ii Tahay Sharaf Weyn Inaan Filim La Sameeyo”

0
1225

Alia and SRK

Gabadha laga daba dhacay ee haatan ka mid ah dhalinta Hindiya ugu mustaqbalka wanaagsan Ali Bhatt waxay dhawaan bilaabi doontaa ka shaqeynta filim cusub.

Dabcan filimkan xiiso gaar ah ayuu Alia Bhatt  u leeyahay madaama ay markii ugu horeesay shaashada la wadaagi doonto Super Star Shah Rukh Khan.

Hadaba Alia Bhatt ayaa ka hadashay la shaqeynta ay SRK la yeelan doonto waxayna tiri “Markii ugu horeesay ee aan SRK la kulmay waxay ahayd xili aan aad u dhalin yaraa, aabo ayaa gurigiisa i geeyay xili dadka Pakistan ka imaadeen ay rabeen inay la kulmaaan SRK”

“Nasiib wanaag markaas aad ayaan u dhalin yaraa laakiin maanta shaqo muhiim ah ayaa na dhex mari doonto waana arinka xiisaha aan u qabo”

“Waa run SRK waa Super Star caan ah balse waa atoore dadka oo dhan ka dhaxeeyo sidoo kalena jecel inuu jiil walbo la shaqeeyo”

Alia oo filimkan ka hadleyo waxay tiri “Ma ahan filimadii aad wada taqaaneen ee atoore iyo atirisho si dabiici ah jeceyl u dhex maraayo balse waa sheeko ku cusub Bollywood-ka waxaana hubaa in dadka ay siweyn uga heli doonaan wada shaqeynta aniga SRK na dhex mari doonto”

Filimkan cusub ee aan weli magac loo bixinin waxaa Director ka ah Gauri Shinde waa gabadhii sameeyay filimkii Classic noqday sheeko ahaan ee lagu magacaabo English Vinglish oo ay Sridevi hormuud ka ahayd.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan