Amitabh Bachchan “3-Khans Dad Oo Dhan Ayay Dhiiri Galiyaan”

0
1061

amitabh-salman-srk759

Super Star Amitabh Bachchan oo weli u dabaal dagayo sanad guuradiisii 73-aad ayaa ka hadlay arimo kala duwan wuxuuna si gaar ah fariintiisa ugu amaanay 3-Khans ee haatan Bollywood-ka saameynta balaaran ku leh.

Joornaalista ayaa weydiiyay Amitabh sida uu u arko Salman Khan, Shah Rukh Khan iyo Aamir Khan oo 20-sano ee ugu dambeesay Bollywood-ka hormuud u ahaayeen iyo saameyntii ay la imaadeen.

Big Bachchan wuxuu kaga jawaabay “Shaqo wacan ayay qabteen, waxaana rajeynaa inay fanka mudo dheer hormuud kasii ahaadaan”

“Waxaanba jeclaan lahaa 100-sano oo kale inay sidaan Bollywood-ka ugu dhex muuqdaan iyo shaqada wanaagsan oo ay u hayaan”

“Khans-ka dad badan ayay dhiiri galin u yihiin sidoo kalen jiil badan ayaa jecel inay wadadooda oo kale maraan, sidaa darteed Bollywood-ka muhiim ayay u tahay inay Khans-ka sanado badan fanka kusii jiraan”

“Waxaan u rajeynaa 3-Khans nasiib wacan iyo hormar aan dhamaad laheyn”

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan