Anil Kapoor Iyo Karishma Kapoor Sanad Aysan Iloobi Karin Oo Bollywood-ka Ku Leeyihiin Ma Garan Kartaa

0
1798

Waxaan si gaar ah ugu mahad celineyaa fikrada barnaamijkan cusub oo uu nagu dhiiri galiyay walaalkeena Nabil Abdlla oo qaybta Facebook nagula soo xareeyay.

Hadaba barnaamijkan waa mid xiiso gaar ah wato madaama aan hadba mar idinla wadaagi doono atoorayaasha iyo atirishooyinka Bollywood-ka sandihii ugu wacnaa ee soo maray dhanka Boxoffice-ka aflaantooda guulaha gaareen.

Waa barnaamij aan ku xuseeno atoorayaasha iyo atirishooyinka Bollywood-ka sandihii ugu wacnaa ee soo maray sidoo kalena aysan iloobi karin.

Waxaa macquul ah in hal sano ay dhowr atoore qaas u tahay sida darteed hadii aan hal atoore ka xusno micnaheeda ma ahan in atoorayaasha kale aan iska hilmaanay balse iyagana waa idinla wadaagi doonaa wixii ay isla sanadkaas la imaadeen sidaas u fahma arinka.

Hadaba maanta waxaan daaha ka qaadi doonaa labada aan kala dhicin Anil Kapoor iyo Karishma Kapoor iyo sanadii 1997 oo ay u ahayd sanad labadan xidig qaas u ah.

Labadan Super marnaba ma iloobi karaan sanadii 1997 madaama ay la imaadeen min sedex filim oo guulo waa weyn gaareen sidoo kalena Hit dhameestiran noqdeen.

Anil Kapoor iyo sedexiisa filim ee uusan iloobi karin sanadii 1997:

Anil movies

Judaai (Super Hit) lacagaha uu keenay 14.09 Crore tirada qof ee daawatay 13-milyan iyo 984,000 oo qof

Virasat (Hit) lacagaha uu keenay 11.32 Crore tirada qof ee daawatay 10-milyan iyo 539,000 oo qof

Deewana Mastana (Hit) lacagaha uu keenay 13.59 Crore tirada qof ee daawatay 12-milyan iyo 84,000 oo qof

Waa Iskoor waayo Anil Kapoor sanadkan 100% aflaantiisa wey guuleesteen madaama sedex filim ee uu sameeyay dhamaantooda Hit dhameestiran wada noqdeen!!

Karishma Kapoor iyo sedexdeeda filim oo aysan iloobi karin sanadii 1997:

karihsma movies

Judwaa (Hit): lacagaha uu keenay 13.14 Crore tirada qof ee daawatay 13-milyan iyo 634,000 oo qof

Hero No. 1 (Super Hit): lacagaha uu keenay 17.07 Crore tirada qof ee daawatay 17-milyan iyo 428,000 oo qof

Dil To Pagal Hai (Blockbuster): lacagaha uu keenay 34.97 Crore tirada qof ee daawatay 29-milyan iyo 512,00 oo qof.

Karishma Kapoor sanadkan marnaba ma iloobi karto laakiin guusheeda 100% ma ahayn waayo waxaa ka dhaceen filimada kala ah Mrityudaata iyo Lahoo Ke Do Rang sidaa darteed 3-filim guul weyn gaareen iyo labo filim oo guul dareesteen.

Atooraha Xiga Iyo Atirishada Xigta Ee Sanad Qaas Ah Bollywood-ka Ku Leh Waan Idinla Wadaagi Doonaa Insha Allah.