Maamulka kooxda Arsenal ayaa qorshaynaya in ay heshiis cusub oo mushaar qaali ah ay ku abaal mariyaan xidigooda Alexis Sanchez kaas oo noqon doona xidiga ugu mushaarka badan kooxda Gunners.Arsenal ayaan doonayn in xidigaheeda ugu fiicani ay galaan labada sano ee heshiiskooda ugu danbeeya si ay uga ilaashato xiisaha uga imanaya kooxaha waa wayn ee Yurub.
Arsenal ayaa muhiimada kowaad ka dhiganaysa sidii ay Sanchez uga saxiixan lahayd heshiis cusub oo uu ku qaadan doono mushaarka ay Gunners bixiso kan ugu sareeya. Xidiga ree Chile ayaa hadda todobaadkii mushaar ahaan u qaata 130,000 kun oo gini laakiin waxaa la filayaa in mushaarkiisa la kordhin doono si uu waqti dheer u sii joogo Emirates Stadium.
Mesut Ozil oo kaliya ayaa hadda ka mushaar badan Sanchez kaas oo todobaadkii u xaadira 140,000 kun oo gini, laakiin heshiiska cusub ee ay Arsenal doonayso in ay ka saxiixato Sanchez ayaa keeni doona in Alexis Sanchez uu noqdo xidiga ugu mushaarka badan Gunners.
Heshiisyada Ozil iyo Sanchez ee Arsenal ayaa dhacaya sanadka 2018 ka, laakiin Arsenal ayaa doonaysa in ayna xidigaheeda ugu tayada fiicani galin labada sano ee hehsiiskooda ugu danbeeya taas oo keeni karta in kooxo ay xiiseeyaan saxiixyada xidigahan. Waxa kale oo jira xidigo kale oo ay Arsenal doonayso inay heshiisyo cusub ka saxiixdo.
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Fekradood ayaa laga bixiyay.