Arsene Wenger Oo Sheegay In Uu Hayo Qorshihii Ay Arsenal Ku Garaaci Lahayd Bayern Munich, Sidee Ayuu Wenger Aaminsan Yahay In Gunners Ay Bavaria Guul Kaga Gaadhi Karto?

0
1068

Wenger1

Tababaraha kooxda Arsenal ee Arsene Wenger ayaa aaminsan in kooxdiisa Arsenal ay garaaci karto kooxda Bayern Munich oo xili ciyaareedkan ku jirta qaab ciyaareed cabsi ku abuuray kooxihii ilaa hadda ay la ciyaartay. Bayern Munich ayaa xili ciyaareedkan ilaa hadda 11 kulan ciyaartay dhamaantoodna way soo wada guulaysatay iyada oo waliba 39 gool dhalisay.

Bayern Munich ayaa soo wada guulaysatay labadii kulan ee ay Champions Leaque-ga ciyaartay waxayna kooxda Guardiola 13 maalmood gudahood ay laba kulan oo Champions Leaque-ga ah ay la ciyaari doontaa kooxda Arsenal oo iyadu labadii kulan ee ay ciyaartay Champions leaque-ga soo wada guuldaraysatay.Wenger

Laakiin tababare Arsene Wenger ayaa calool adayd wali ku socda wuxuuna sheegay in haddii ay Arsenal u ciyaarto qaab ciyaareedkii ay Manchester United 20 ka daqiiqo ku dishay inay markaas guul ka gaadhi karaan Bayern Munich. Guuldaro Arsenal ka soo gaadha Bayern Munich ayaa soo gabagabayn karta rajada yar ee ayArsenal ka qabto inay soo gaadho wareega 16 ka kooxood.

Wenger oo u waramayay BeIN Sports ayaa yidhi: “Ma waxaad u jeedaa sida loo garaaco cida aan la garaaci karin? Ugu horayn, waxaad ku garaaci kartaa wax la mid ah wixii aanu samaynay kulankii Manchester United. Inaad banaan wayn ku ciyaarto oo aad ku ciyaarto rumaysnaan la mid ah iyo in aanad u ogolaan inay ciyaarta maamulaan”.Sanchez

Wenger oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi: “Bayern waxa ay jeceshahay inay kubbada haysato, waxayna jecel yihiin inay kugu soo laabtaan, sidaa daraadeed, waxaa nagu waajib ah in aan kubbada si fiican ugu guulaysano ilsa markaana aanu si fiican u habaysnaano si aanu u isticmaalno fursadahayaga”.bayernmunich-cropped_1l5xmymbs5x3j1o4rgg6cj55zv

Arsenal ayaa kulankii furitaanka Champions Leaque-ga guuldaro lama filaan ah kala soo kulantay kooxda Dinamo Zagreb halka ay markale guuldaro xanuun badan garoonkeeda Emirates Stadium kagala kulantay kooxda Olympiacos  taas oo keentay in Gunners ay halka ugu hoosaysa kaga jirto Group F.

Wenger oo ka hadlaya kulankii Man United iyo kulankii ka horeeyay ee Olympiacos  ayaa yidhi: “Kulankii Man United laba arimood ayuu muhiim u ahaa. Ugu horayn saddex maalmood ka hor waxaa na soo gaadhay natiijo aad iyo aad niyadjab u leh oo naga soo gaadhay kulankii Olympiacos , dabcan wax lala yaabo ayay ahayd. Mar labaad, kulankii Man United waxa uu muhiim noogu ahaa in helnay fursad aanu laba dhibcood hogaamisaasha kaga danbayno”

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.