Big News: Hrithik Roshan Iyo Deepika Padukone Oo Filimka Aashiqui 3 Wada Sameyn Doonaan

0
1157

aashique 3

Shabakada Filmfare oo soo xiganeyso dad la isku haleen karo ayaa baahisay aqbaar culus oo siweyn loo wada sugaayay taasi oo ah in labada Super Star Hrithik Roshan iyo Deepika Padukone wada shaqeyn doonaan.

Labadan aan kala dhicin sidoo kalena dadka Bollywood-ka xiiseeyo ay mar un jeclaan lahaayeen inay hal filim ku wada arkaan waxay riyadooda ugu midoobi doontaa filimka Aashiqui 3.

Shirkada T Series dhawaan waxay heshiis la gaartay Hrithik Roshan sidii uu Aashiqui 3 ugu sameyn lahaa haatana shirkadan weyn wada hadalo rasmi ah kula jirtaa Deepika oo iyadana aqbashay inay Hrithik kala shaqeyso filimka la wada jecel yahay ee Aashiqui 3.

Labadan Super Star qof walbo waqtigiisa firaaqada uu leeyahay ayuu shirkada T Series dhawaan la wadaagi doonaa si duubista filimkan weyn loo amba qaado bartamaha sanadka dambe ee 2016.

Dabcan aqbaar ka weyn ma jirto hadii Hrithik iyo Deepika ay Aashiqui 3 hormuud ka noqon doonaan……….

841 total views, 422 views today

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan