Brendan Rodgers Oo Lagu Soo Daray Liiska Musharaxiinta Shaqada Xulka England Ee Ka Dib Roy Hodgson.

0
978

Xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa lagu waramayaa inay Brendan Rodgers ku soo dareen liiska tababarayaasha laga yaabo inay qabtaan shaqada xulka England haddii ay go’aansadaan inay kala tagaan tababare Roy Hodgson ka dib koobka Euro 2016.

Sida ay haatan wax yihiin heshiiska Hodgson uu kula jiro xiriirka kubada cagta Ingariiska ayaa waxa uu ku eg yahay dhamaadka koobkaas, waxaana la soo jeedinayaa in xiriirka uu isku diyaarinayo nolol ka danbe 68 jirka Hodgson.

Waxaa la rumeysan yahay in bedelka ugu macquulsan ee Hodgson in loo doonayo nin Ingariis ah laakiin haddii la waayo tababare Ingariis ah markaas waxaa shaqada loo dhiibo doonaa tababare ku koray UK.

Waxaana ay taasi albaabada u furi doontaa ninka reer Ireland Rodgers kaasoo ay dhawaan ceyrisay Liverpool. Ninka reer Scotland David Moyes iyo tababaraha Isbaanishka Roberto Martinez.

Ka hor shaqadiisii Liverpool, 42 jirka Rodgers ayaa macalin ka soo noqday Watford, Reading iyo Swansea City.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha: