Cali Maxamed Geedi oo Baydhaba u tegay dhexdhexaadinta Beesha Hawiye & Shariif Xasan

0
1760

Ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi oo ay ka socdaan xubno ka tirsan maamulka K/Galbeed ee kasoo jeeda Beesha Geedi ayaa tegay magaalada Baydhabo iyadoo uu wadahadal u furmay maamulka Shariif Xasan iyo wafdiga Cali Maxamed Geedi.

Cali Geedi ayaa sheegay inay Baydhaba u tageen wadatashi ku saabsan dhameystirka maamulka K/Galbeed, wuxuuna u hambalyeeyay horumarka laga gaaray maamulka Koonfur Galbeed. Wafdiga Cali Maxamed Geedi ayaa ka mida wufuud ku qulquleysa magaalada Baydhaba oo dooneysa inay saameyn ku yeeshaan howsha dhismaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee socota.

Odayaal ka tirsan Beesha Hawiye ayaa dhowaan eedeyn ujeediyay Shariif Xasan iyagoo sheegay inuu isku koobay talada dhismaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxaana arritan xalinteenta  ku dhex jira wafdiga Cali Maxamed Geedi, iyadoo lagu wado in gorgortan laga galo xubanaha beeshani ku yeelan doonto Baarlamaanka K/Galbeed.

DAAWO WARKA TEGISTA CALI GEEDI EE BAYDHABA