Casillas Mise De Gea? Dooda Labada Goolhayahe Oo Soo Laba Kacleysay Mar Kale.

0
1177

1444776612_extras_noticia_foton_7_1

Durbaba waxa ay noqoneysaa dood kulul ka hor inta uusan bilaabanin koobka qaramada Yurub ee France lagu qabanayo 2016, David de Gea ayaa haatan tartanka sarre u qaaday iyadoo laga warsugayo cida uu tababare Del Bosque ka dhigan doono goolhayihiisa koowaad.

Kabtan Iker Casillas oo ilaa iyo dhawaantaan uusan booskiisa wax shaki ah ku jirin ayaa kursiga keydka fadhiyay kulankii Kiev isagoo goob jooge u ahaa wacdarihii De Gea ee kulankii ay Spain 1-0 kaga badisay Ukriane inkastoo ciyaarta ay aheyd mid aan micno ugu fadhinin La Roja madaama ay xilli hore u soo baxeen Euro 2016.

Iyadoo daafac cusub lagu soo bilaabay shaxda, Spain ayaa weeraro badan lagu soo qaaday laakiin farsamada goolka ee David de Gea ayaa u diiday Ukraine inay shabaqa soo taabato isagoo ka badbaadiyay in ka badan 10 fursadood.

Dooda ku saabsan cida noqoneysa goolhayaha koowaad ee xulka Spain ayaa in muddo ah socotay inkastoo bilihii ugu danbeysay laga aamusay madaama uu Casillas u dhaqaaqay Porto. Bixitaankiisa ayaana keentay in kuleylka arinta uu yara qaboobo laakiin qaab ciyaareedkii ugu danbeysay ee De Gea ayaa ka dhigeysa in dooda ay mar kale soo laba kacleysay.

Sannad ka hor, Del Bosque ayaa shaaca ka qaaday in si aayar ah la isagu bedeli doono goolka xulka Spain, isagoo si maldahan u sheegay in Casillas oo 34 sanno jir ah haatan inuu ku dhawaanayo gabagabada waqtigiisa xulka Spain islamarkaana De Gea uu dabcan yahay ninka loo doortay inuu booskiisa buuxiyo.

Tababaraha xulka Spain ayaa haatan ku qasban haddii isbedelkaas aayarka ah uu dedejin doono ama haddii uu sugi doono ka dib koobka qaramada Yurub ee France ka dhacaya sannadka danbe.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.