Cayil Xal Loo Hel: Gabadhii Sanadkan Naga Yaabsatay Bhumi Pednekar Oo Miisaankeeda Siweyn U Dhintay

0
1381

Style

Marnaba ma hilmaami karno gabadhii cayilneed Bhumi Pednekar ee filimkii Dum Lagaa Ke Haisha bilawgii sanadkan nooga yaabsatay sida ay u jishay.

waxaan wada xasuusanaa in Bhumi iyo Ayushmann Khurrana ay wacdaro ka dhigeen filimka Dum Lagaa Ke Haisha kaasi oo Hit dhameestiran noqday.

Bhumi filimkan waxay duubtay ayadoo miisaankeeda aad u badnaa sidoo kalena doorka filimkan ayaaba ahaa inay ku matasho gabar reer miyi ah oo miisaankeeda aad u badan yahay.

dum

Hadaba xidigtan kama xumo cayilkeedii filimkii Dum Lagaa Ke Haisha madaama ay amaan badan ku heshay sidoo kalena ay Bollywood-ka aqoonsi caalami ah ka heshay.

Hadaba Bhumi isbadal ayay la timid miisaankii saarnaa dhulka ayay iska dhigtay haatana waxay kusoo baxday gabar dhuuban oo aad u shidan.

Bhumi ayaa daaha ka qaaday inay kaligeed tababar qaadato sidoo kalena ay dagsatay siyaasad u gaar ah madaama ay iska dhaaftay cunada culus noocyadeeda kala duwan.

Bhumi sirta ay bixisay ayaa ah in subaxdii qofka uu raashiin culus qaato balse xiliyada kale uusan raashin u dhawaanin.

Sidoo kalena Bhumi waxay qof walbo ku boorisay inuu jimicsi sameeyo si jirkiisa uusan u dabcin madaama qofka miisaanka lumiyo hadii uusan jiirkiisa dhisan uu yeelano maqaar weyn iyo jir kala daadanaayo.

135 total views, 135 views today

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan