Cesc Fabregas: Jose Mourinho Ayaa Ah Macalinka Ugu Fiican Waqti Xaadirkaan, Wuuna Hagaajin Doonaa Kooxda

0
1188

Cesc Fabregas ayaa kasoo hoos ciyaaray labadaba macalin ee waqti xaadirkaan isku tilmaamo iney yihiin kuwa ugu fiican e Pep Guardiola iyo Jose Mourinho, laakin wuxuu cadeeyay in macalinkiisa haatan ee Jose Mourinho uu yahay kan ugu fiican caalamka.

 

 

Cesc iyo Jose ayaa xili ciyaareedkoodii ugu horeeyay ee ay kawada shaqeeyaan kooxda Chelsea ku guuleystay horyaalka ingiriiska, laakin waxay haatannku gguldareysteen iney joogteyaan qaab ciyaareedkoodii xili ciyareedkii hore, waliba Cesc ayaa lagu eedeeynayaa inuu gabay howshiisii.

Isagoo maanta saxaafada la hadlayay ayaa yiri “Waa macalinkii ugu fiicnaa ee soo mara taariikhda kooxdaan, waana macalinka ugu fiican ee haatan jooga, waana kan kaliya ee awooda inuu naga saaro dhibkaa, waa waajib, waa inuu joogaa, shaki la’aan”.

“Shaqsiyan wuu I caawiyay, wuxuu iga caawiyay inaan horumar sameeyo, waxaan qaba doonaa wax waliba uu iga codsado, wax waliba uu I weydiisto, Mourinho waa shaqsi aad uga duwan kana an ka aragno TV-ga, waan ogaaday anuga farqiga u dhexeeya Mourinho-ha saxaafada iyo kan caadiga ah, waxaan ku jirnaa xaalad aan fiicneyn, laakinisaga ayaa awooda inuu naga saaro dhibkaan”.