Cesc Fabregas Oo Tababarihiisa Mourinho Ku Taageeray Inuu Yahay Tababaraha Ugu Fiican Ee Sixi Kara Dhibaatada Chelsea Isaga Oo Sheegay In Mourinyo Uu Yahay Tababaraha Aduunka Ugu Fiican

0
1104

Mourinho-and-FabregasXidiga khadka dhexe ee xulka qaranka Spain iyo kooxda Chelsea ee Cesc Fabregas ayaa difaacay tababaraha kooxdiisa Chelsea ee Jose Mourinho oo ku jira xaalad dhibaato ah kadib markii ay kooxdiisa Blues xili ciyaareedkan ku bilaabatay qaab ciyaareed aad u liita.

Fabregas oo la hadlayay Radio Marca ayaa sheegay in Mourinho uu yahay tababaraha  Stamford Bridge ka saari kara xaalada xun ee ay ku jiraan.Fabregas ayaa sheegay in Mourinho uu yahay tababaraha  ugu fiican  taariikhda Chelsea wuxuuna yidhi: “Sabab fiican, Mourinho waa tababaraha taariikhda kooxdan ugu fiican, waana tababaraha ugu fiican ee aanu heli karno”.
“Anigu wax shaki ah kama qabo, Mourinho kubbada cagta ayuu aad u jecel yahay, waxayna aniga shaqsi ahaan ila tahay, inuu iga horjoogsaday waqtigii aan hoos udhaca samaynayay. Mourinho aniga kalsooni ayuu isiiyay, si waji-ka waji ah ayuu aniga ii caawiyaa markastana wuu i ixtiraamaa”.

Fabregas ayaa sheegay in Mourinho uu aad uga duwan yahay marka uu kamarada hortaagan yahay isaga oo sheegay in ay hore Mourinho garoonka ugu dagaalameen wuxuuna yidhi: “Mourinho aad ayuu uga duwan yahay sida uu yahay marka uu kamarada horjoogo. Anigu hore ayaan meelo kale isaga garoonka ugula dagaalamay , laakiin hadda garabkiisa ayaan taaganahay waa mid ka duwan”.

Fabregas ayaa intaa raaciyay in Mourinho uu yahay tababare guulaysta isla markaana yaqaana sida waxa ugu fiican looga soo saaro ciyaartoydiisa wuxuuna yidhi: “Mourino waa tababare guulayste ah, waa mid yaqaana sida waxa ugu fiican looga soo saaro ciyaartoydiisa, waxaa waajib nagu ah in aan isaga taageerno. Hore ayaanu uga socon doonaa waana tababaraha shaqadan ugu fiican”.