Ciidanka Yahuudda oo haweeney reer Falastiin ah ku dhex toogtay goob basaska laga raaco (SAWIRRO)

0
963

Gabadhan oo lagu magacaabi jiray Basaraa Zidan Taufik Abad, ayay Ciidanka Yahuudda rasaas la dhaceen, xilli gacmaheedu ay kor u taagnaayen. Laba askari oo Yahuudi ah, ayaa rasaasta la dhacay haweeneydaasi. Dhacdadan waxay Jimcihii ka dhacday Magaalada Afula.

Basaraa Zidan oo ahayd hooyada saddex carruur ah, ayaa waxay Master of Chemical Ingineering ka diyaarineysay Jaamacadda Prestigious Technion.

Magaalada Dimona, ayaa waxaa Jimcihii lagu xiray nin Falastiini ah, ka dib markii uu mindi ku dhaawacay wiil 16 jir oo Israeli ahaa iyo askari ka tirsan Booliska. Magaalada Jerusalem, ayaa sidoo kale lagu xiray wiil Falastiini ah, oo mindi ku dhaawacay wiil 14 jir Israeli ah.

Laamaha  ammaanka Israel, ayaa sheegay inay soo badanayan dadka Falastiiniyiinta ee mindiyaha ku hubeysan, isla-markaana beegsanaya dadkooda, waxayna ku hanjabeen in ciqaab adag wejihi doonaan kuwaasi.

Qalalaasaha ka taagan Daanta Galbeed iyo Bariga Magaalada Jerusalem, ayaa Jimcihii ku fiday Magaalada Gaza, xilli ay hareereyen Ciidanka Israel.

Isku dhacyo shalay dhex maray shacabka reer Gaza iyo Ciidanka Israel, ayaa waxaa lagu sheegay inay ku dhimatay lix qof oo reer Gaza ah, halka tiro kalana ay ku dhaawacantay.

Warbaahinta Caalamka, ayaa wax ka qortay in baqdin weyn la soo deristay dadka Yahuudda, ka gadaal markii ay soo bateen weerarada la sheegay inay kaga imanayan dadka mindiyaha hubeysan.

Ra’iisal Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, ayaa toddobaadkan ka baaqday safar uu ugu amba bixi lahaa dalka Jarmalka, sababo ku aadan qalalaasaha u dhaxeeya Falastiin iyo Israel. Netanyahu waxa uu Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Israel, uu ka mamnuucay in la booqdo Bariga Qudus, si looga hortaggo rabshado waaweyn oo dhaca.

FalastiinFalastiin1Falastiin2Falastiin3Falastiin4Falastiin5Falastiin6Falastiin7Falastiin8Falastiin9Falastiin91TOPSHOTS-ISRAEL-PALESTINIANCONFLICT-ATTACKFalastiin93Falastiin94Falastiin95