Cristiano Ronaldo Oo Booqasho Ku Tagay Dalka Marooko Kadib Markii Fasax laga Siiyay Waajibaadka Xulkiisa Qaran Ee Portugal

0
1319

Cristiano Ronaldo in Morocco

Saacado kadib markii ay xulka Portugal ay buukinteen booskooda EURO 2016, ayuu xiriika dalkasi Portugal siiyay fasax xidigo uu kamid yahay kabtankooda Cristiano Ronaldo, kaasoo fasixii lasiiyay kaga faa’iideystay booqasho uu ku tago dalka Morocco.

Cristiano ayaa u duulay dalka Morocco oo ku yaala waqooyiga qaarada Afrika si uu ugu soo qaato nasasho mlaamo kooban ah ka hor inta uusan ku soo laaban xartunta tababrka ee kooxda macalin  Rafa Benítez ee Veledebas.

Cristiano ayaana ciyaari doonin kulanka uu xulkiisa habeen danbe la ciyaari doono Serbia kaasoo ah kulanka ugu danbeeyay ee Portugal ay ciyaareyso heerka guruubyada ee tartanka isreebreebka Euro 2016, wuuxuna waqti lasoo qaadan doonaa xidigii hore ugu guuleystay tartanka K-1 ee feerka aduunka ee Badr Hari.

Laakin booqashada Cristiano ee Morocco ayaa noqon doonta mid gaaban maadaama habeenka salaasada ah la gudoon siin doono abaalmarinta ESM Golden Shoe award oo ah kabta dahabka ah ee gooldhalinta Spain markiisii afaraad, waxaana lagu gudoonsiin doonaan xaflad la dheceyso Westin Palace Hotel.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.