Daafaca Ree Brazil Ee Danilo Oo Dib Ugu Soo Laabtay Tababarka Buuxa Ee Kooxdiisa Madrid, Kuna Soo Bilaaban Doona Kulanka Levente

0
1289

Danilo

Daafaca xulka qaranka Brazil iyo kooxda Real Madrid ee Danilo ayaa dib ugu soo laabtay tababarka buuxa e kooxdiisa kadib markii uu dhaawac ku seegay kulamadii u danbeeyay ee kooxdiisa ay ciyaartay tartamada Champions league iyo horyaalka Spain ee La Liga.

Danilo ayaa rajada ku soo celinaya macalin Rafa Benitez oo uu sidoo kale ka dhaawacan yahay Danial Carvajal oo isna ka ciyaara daafaca midig kulankii ay kooxda Madrid barbaraha 1-1 ka ah la gashay kooxda ay sida weyn u xifaaltmaan ee Atletico Madrid markaasoo lagu badalay Alvaro Arbeola.

Danilo ayaa dhaawac uu kasoo gaaray kulankii ay xulkiisa Brazil la ciyaareen xulka  Costa Rica kulankaasoo ka dhacay New York, waxayna taasii keentay inuu dhaawac dartiisa uga haro xulka Brazil ee ciyaaraya isreebreebka koobka aduunka ee Russia lau qaban doono.

Daafacaan midi gee lacagaha qaaliga ah ugu fadhiyo kooxdiisa ayaa maanta si buuxda tababarka ula qaatay ciyaartooyda kale ee kooxda, waxaana la filayaa inuu kusoo bilowdo kulanka sabtiga ay kooxdiisa soo dhaweyn doonto kooxda Levente kulan ka tirsan horyaalka La Liga.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.