Daawo Filimka Singh Is Bling Oo Dhameestiran Iyo Shactirada Akki (+Video)

0
1768

Waxaan maanta idiin heynaa filimka weyn Singh Is Bling ee weli tiyaatarada saaran asigoo dhameestiran.

Filimkan shactirada badan waxaa si wacan loogu amaanay Akshay Kumar oo lasoo baxay qaab jiliin cajiib badan.

Jilaayaasha filimkan: Akshay Kumar, Amy Jackson, Lara Dutta, Kay Kay Menon iyo kuwo kale

Director:a bilaabanaa xaafada yar ee Bassi Patna kuna taalo Punjab, dadka tuulada ku nool waxa Prabhu Deva

Filimkan wuxuu ky qaati ka taagan yihiin Raftaar Singh (Akshay Kumar) waa nin dhib badan balse qalbi furan laakiin waxaa lagu nacay inuu qof walbo oo tuulada ku nool si ku tala gal ah ama si aan ku tala gal ahayn u dhibaayo.

 

Raftaar Singh (Akshay Kumar) waxaa lagu nacay taxadar la’aantiisa iyo sida masuuliyad darada ah ee uu u dhaqo markii dambe aabihiis ayaa usoo jeedinaayo labo go’aan midkood inuu qaato: inuu guursado gabadha tuulada ugu cayilsan ama shuluqsan ama inuu magaalada Goa aado uu halkaas ka bilaabo shaqo loo diyaariyay.

Raftaar Singh (Akshay Kumar) wuxuu go’aan ku gaaraa inuu Goa u baqoolo oo uu shaqo halkaas ka bilaabo, laakiin Raftaar mudanihii uu ganacsiga la bilaabay ayaa ka helaayo qalbi nadiifkiisa iyo sida uu caawiyo qof walbo!

Dhinaca kale magaalada Goa waxaa soo gaareyso Sara (Amy Jackson) oo kasoo carartay dalka Romania ayadoo kasoo baxsatay dilaaga weyn Mark (Kay Kay Menon) oo doonayo inuu gabadhan afduubto hantida aabaheedna la wareego.

Sara (Amy Jackson) waxay kusoo dagee guriga mudanaha Raftaar Singh (Akshay Kumar) uu la shaqeeyo waxaana Raftaar Singh lagu amraa in gabadha magaalada ku cusub uu geeyo meel walbo oo ay rabto.

Laakiin Raftaar Singh af Ingiriis ma waqaano halka Sara (Amy Jackson) iyada Af Hindi aysan aqoonin weyna isku jah wareerayaan.

Nasiib wanaag gabadha lagu magacaabo Emily (Lara Dutta) ayaa Raftaar Singh iyo Sara u noqoneyso turjubaan u dhaxeeyo.

Emily (Lara Dutta) si ku tala gal ah ayay labadooda qoorta isugu galinee madaama qof walbo waxa uu dhaho cagsigiisa ay u fasireyso meeshana qaraaxo iyo qosol aan dhamaad laheyn ayaa ka bilaabanaayo.

Raftaar iyo Sara dhibkii dhex maray jeceyl ayuu isku badalaanaa sidoo kalena Raftaar Singh wuxuu Sara ka caawinaa sidii ay qoyskeeda kula midoobi laheyd weliba Raftaar dalka Romania ayuu Sara u raacaa.

Nasiib xumo Sara waxa gacanta ku dhigaayo dilaaga weyn Mark (Kay Kay Menon) oo reerka Sara ugu hanjabaayo inuu gabadhooda dili doono hadii aan hantida qoyska lagu soo wareejinin sidoo kalena uu doonayo in Sara uu guursado.

Raftaar Singh dagaal uusan shaqo ku laheyn ayuu dhexda ka galaa iyo deegaan uusan aqoon u laheyn!

Hadaba Raftaar Singh maku guuleesan doonaa inuu jeceylkiisa soo bad baadiyo?

Sara si dhab ah ma u jeceshahay Raftaar Singh mise dan ayay ku wadatay?

Raftaar Singh ee reer Punjab u yaqaaniin ninkii dhibka badnaa ma noqon doonaa wiil aabihiis iyo dhamaan reer Punjab ku faanaan?