DAAWO SAWIRADA:-Jackie Chan Oo Si Lama Filaan Ah Kaga Yaabsaday Madaxweynaha Shiinaha

0
1689

Madaxweynaha Shiinaha, Xi Jinping oo booqasho ku joogga Magaalada London, ayaa waxay isku arkayn jilaaga weyn ee Jackie Chan. Kulankoodan ayaa ahaa mid lama filaan ah.

Madaxweynaha Shiinaha iyo xaaskiisa oo ay Magaalada London ku soo wareejinayen Amiirka qofka labaad ee leh dhaxaltooyada boqornimada Britain, Prince William iyo afadiisa Kate Middleton, ayaa waxay jilaaga ku kulmeen dhismaha Lancaster.

Madaxweynaha iyo qoyska reer boqor, ayaa waxay is wareysteen xidiga reer China, waxaana la arkaayay sida ay ugu faraxsan yihiin kulankoodan kediska ah. Jackie Chan ayaa sawiraan la galay qoysaska Madaxweynaha iyo reer boqor.

Is aragga fool ka foolka ah ee Madaxweynaha Shiinaha iyo Jackie Chanie, ayaa waxay ku soo beegmaysaa, xilli Madaxweyne Xi Jinping uu booqasho taariikhi ah ku joogga Britain.

Madaxweynaha Shiinaha iyo afadiisa, ayaa waxay Arbacadii booqdeen dhawr goobood, iyagoo markaasi qoyska reer boqor ay wadaagayan dhaqanka labada dal.

Madaxweyne Xi Jinping, ayaa waxa uu booqan doonnaa goobo kala duwan mudada afarta maalmood ee socdaalka uu ku jooggo Boqortooyada Britain.

Xi-Jinping1-1 Xi-Jinping2- Xi-Jinping11 Xi-Jinping21 Xi-Jinping31