Marka uu ku dhalo nin magac ku leh aduunka oo dhan isla markaana aad magiciisa aad raaciso Junior oo kaliya waxa ay u muuqataa wax biyo la kabado ka sahlan, balse arintani waxa ay dhibaato ku noqotay shan jirka uu Cristiano Ronaldo dhalay ee Cristiano Ronaldo Jr kaas oo intii uu socday filimka waayaha nololeed ee Ronaldo ku dhibtooday inuu magiciisa si fiican u sheego.
Ronaldo ayaa isku dayaya inuu wiilkiisa yar ee Cristiano Ronaldo Jr uu si fiican ugu dhawaaqo magaciisa , wuxuuna Ronaldo wiilkiisa waydiinayaa: Wiilkaygii miyaanad aqoon sida loo yidhaa ama loo sheego magacaaga?. Wiilka yar ayaa ugu jawaabay: “waa Cristiano Santos” laakiin Ronaldo ayaa marar badan ku celcelinaya in wiilka yari uu magaca ugu dhawaaqo Cristiano Ronaldo dos Santos halka uu marka danbe Junior raacinayo.Ronaldo ayaa marka uu wiilka yar hadalka ku celceliyo madaxa qabsanaya.
Muuqaalka uu Cristiano Ronaldo Jr uu ku dhibtoonaya magaca aabihii ayaan qayb ka ahayn filimka Ronaldo waana laga saaray. Haddaba halkan ka daawo waxa kala qabsanaya CR7 iyo wiilkiisa Cristiano Ronaldo Jr.
Get your first look behind the scenes of @Cristiano! @RonaldoFilm is out on DVD, Blu-ray and Digital HD from Nov 9. https://t.co/BbaXCaks7i
— Ronaldo (@RonaldoFilm) October 12, 2015
Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:
Fekradood ayaa laga bixiyay.