DAAWO:Bandhigii Mesut Ozil Ee Uu Xalay Ugu Guualaystay Xidiga Garoonka Ugu Fiican Ee Kulankii Ay Germany Guusha Kaga Gaadhay Georgia Oo La Amaanay

0
1142

Ozil

Xidiga khadka dhexe ee xulka qaranka Germany iyo kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa kulankii ay Germany guusha 2:1 ahayd kaga gaadhay xulka qaranka Georgia ku helay amaan isaga oo loo doortay xidigii garoonka ugu fiicanaa kulankaas.

Mesut Ozil ayaa kulankan ugu bilawday isaga oo ka ciyaaraya booska uu jecel yahay ee caawiyaha weerarka isaga oo sidoo kale xoriyad u haystay inuu baalaha weerarka ama khadka dhexe hadba meel ka soo shaqeeyo.Ozil ayaa kulankan ka baxay isaga oo labada gool ee ay Germany dhalisay caawintooda magiciisa ku qoray.

Marka hore Ozil ayaa ku guulaystay rekoodhe Germany lagu abaal mariyay kaas oo uu Thomas Muller hogaanka ugu dhiibay xulka qaranka Germany, laakiin Ozil ayaa markale caawin cajiib ah sameeyay taas oo ay Germany kula timid goolka guusha wuxuuna Ozil goolka danbe ka caawiyay Max Kruse.

Laakiin Ozil ayaa sidoo kale soo bandhigay dhaqdhaqaaqyo cajiib ah isaga oo kubbad gool loo fishay sidoo kale si xarogoleh u siiyay Marco Reus. Haddaba halkan ka daawo qaab ciyaareedkii uu Ozil ku soo bandhigay kulankii xalay ay Germany ugu soo baxday tartanka qaramada Yurub ee Euro 2016.