Dacwad Lagu Soo Oogay Kooxda Filimka Bajrani Bhaijaan Iska Leh Iyo Lacago Badan Oo Laga Doonayo

0
1128

BB

Filimka ugu weyn sanadkan Bajrangi Bhaijaan kaasi oo iskooro badan ka dhigay gudaha Hindiya iyo daafaha caalamka ayaa haatan dhibaato soo wajahday.

Kooxda filimkan iska leh ayaa lagu soo oogay dacwad waxaana laga rabaa in 50 Crore ($8.06M) oo magdhaw ah inay bixiyaan.

Sababta ugu weyn ee lagu dacweeyay kooxda BB ayaa ah in sheekada filimkan iyo goobaha lagu jilay laga soo xaday sheeko kale oo uu qof iska lahaa.

Director  Mahim Joshi sidoo kalena sameeyo filimada TV-yada ka baxaan ayaa maxkamada sare ee Mumbai dacwad adag u gudbiyay si magdhow looga qaado kooxda filimka BB madaama ay xuquuqdiisa sheeko uu lahaa lagu xad gudbay.

Mahim Joshi ayaa maxkamda horkeenay filimkiisa oo diyaarsan sheeko ahaan iyo muuqaal ahaana ay dhan walbo isku mid ka yihiin Bajrangi Bhaijaan wuxuuna xaqiijiyay in filimkiisa la hor duubay.

Sidoo kalena 100% xogtiisa filimkan ay ka xadeen kooxda Bajrangi Bhaijaan iska leh, waxaa intaas u dheer in  Mahim Joshi uu maxkamada keenay waraaqado cadeenayo in sheekada filimkiisa inuu iska leeyahay loo diwaan galiyay sanadii 2007 xuquuq ahaan.

21-ka bishan October ayay maxkamada si rasmi ah dacwadan u qaadi doontaa waxaana la wargaliyay arinkan qarash gareeyaha Bajrangi Bhaijaan Salman Khan, ninkii sheekada filimkan soo qoray Vijayendra Prasad iyo Director Kabir Khan.

Hadaba go’aanka u dambeeyo maxkamada ayaa lahaan doonto in magdhow la siin doono Mahim Joshi oo dalbaday in 50 Crore la siiyo iyo in kooxda Bajrangi Bhaijaan kiiskan ku guuleesan doonaan.