Dad faro badan oo lagu soo qab-qabtey howl gal laga sameeyay Muqdisho.

0
1081

Ciidamada Nabad Suggida Somaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee Amisom, ayaa saaka aroortii ku kalahay Xaafadaha Degmada Xamar jajab, gaar ahaan kuwa u dhaxeeya Buundooyinka ilaa Aaga Afisiyooni.

Ciidamada ayaa galay guryaha oo dhalinyarada ka soo saaray, waxaana la isugu geeyay hal meel oo lawada fariisiyay, xilli ay hareeraha ka ilaalinayeen ciidamada Nabad Suggida iyo kuwa Amisom.

Guud ahaan waxaa la xiray wadada xiriirisa Xamar weyne iyo Buundooyinka, iyadoo ciidamada wadajirka ah howlgalkaasi ay ka wadeen halkaasi.

Saraakiisha ciidamada Nabad Suggida ee howlgalkaan horkaceysa weli Saxaafadda lama aysan hadlin, hayeeshe dadkii la qabtay ayaa iminka waxaa lagu kala wadaa kala saaritaan ku aadan inta la tuhmo iyo intii ciidamada ay sii daayaan.

Howlgalada noocaan oo kale ah ee dadka lagu aruurin jiray ayaanan waayahan laga sameynin Magaalada Muqdisho.

Inta badan dadka ay qabteen ciidamada Nabad Suggida Somaliya iyo kuwa Amisom, ayaa la marsiiyaa baaritaan dheeri ah, dadkii cadeymo lagu helo ayaa loo gudbiyaa xarumaha ciidamada, halka kuwa kalena la sii daayo.