Dakhtarka Xulka Qaranka Croatia Ee Boris Nemec Oo Xaqiijiyay In Luka Modric Uu Dhaawac Ku Seegi Doono Kulanka Malta Iyo Modric Oo La Filayo Inuu Ugu Yaraan Seego Kulanka Ay Real Madrid La Ciyaari Doont Levante

0
1176

Modric

Real Madrid ayay waqtiga kulada caalamiga ah u tahay waqti ay si wayn uga walwasho waxaana kaga dhaawacmay ciyaartoy uu ugu danbeeyay Luka Modric oo xalay uu dhaawac muruqa ahi ka soo gaadhay kulankii ay Croatia ciyaartay ee isreeb reebka Euro 2016.

Dhakhtarka Croatia ee Boris Nemec ayaa sheegay in Modric aanu ciyaari doonin kulanka ay Croatia la ciyaari doonto xulka qaranka Malta isaga oo intaa raaciyay in Modric goobta uu dhaawacu ka soo gaadhay ay barartay, wuxuuna yidhi: “Luka waxa uu maray baadhitaan kaas oo lagu ogaaday inuu barar jiro, diyaar ma ahaan doono kulanka Malta”.

Modric ayaan taam u noqon doonin kulanka ay Real Madrid la ciyaari doonto kooxda Levante basle marka uu Madrid ku soo laabto ayay shaqaalaha caafimaadka Real Madrid baadhitaan ku samayn doonaan dhaawaca Modric iyaga oo markaasna sida caaddada u ah warbixin ka soo saari doona.

Real Madrid ayaa ka cadhayan in Karim Benzema uu ku soo dhaawacmay xulka qarnka France waxayna Madrid aaminsan yihiin in Benzema ay jugi ka soo gaadhay kulankii Madrid isla markaana uu tababaraha France hlis galiyay Benzema.

T

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.