David De Gea Oo Iska Diiday Inuu Ka Hadlo Lacagta Lagu Burburin Karo Heshiiskii Cusbaa Ee Uu Manchester United, Maxayse Ahayd Ujeeda Ka Danbaysay Qaab Ciyaareedkiisii Fiicanaa Ee Kulankii Ukraine v Spain?

0
1226

De gea

Goolhayaya xulka qaranka Spain iyo kooxda Manchester United ee David De Gea oo kulankii ay xalay Spain guusha kaga gaadhay xulka qaranka Spain soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah ayaa iska diiday inuu ka hadlo lacagta lagu burburin karo heshiiskii cusbaa ee uu United u saxiixay markii ay wada xaajoodyadii Madrid iyo Man United burbureen.

Sida ay hore ugu warantay jariirada The Sun, heshiiska cusub ee De Gea ayaa lagu burburin karaa 30 milyan oo gini, wuxuuna heshiiskiisa cusub ee uu De Gea u saxiiay Man United uu dhacayaa sanadka 2019 halkii uu markii hore xagaaga danbe si xor ah ugu biiri kari lahaa Real Madrid. Laakiin De Gea oo arintan wax laga waydiiyay ayaa yidhi: “Waxaa waajib ah inaad su’aashan waydiisaan wakiilkayga Jorge Mendes, isaga ayaa dareen gaar ah siiya faah faahinta arimahan oo kale”.Jorge MandesDhinaca kale De Gea ayaa qirtay inuu ku jiro qaab ciyaareedkiisii ugu fiicna isla markaana uu doonayay sidii uu tababare Del Bosque uu go’aanka goolhaye doorasho ee Euro 2016 ugu adkayn lahaa. De Gea ayaa sidoo kale cadeeyay in Iker Casillas uu xalay ugu hambalyeeyay qaab ciyaareedkiisa.

“Waxaan ku jiraa qaab ciyaareedkii waayahayga ciyaareed ugu fiicnaa, markasta waxaan isku dayaa qaabkayga ugu fiican ee aan awoodo. Tani sifiican ayay u shaqaysay, waxa ugu muhiimsan ayaa ahaa inaan kulanka guulaysano. Iker waxa uu iigu hambalyeyay bandhigayga” ayuu hadalkiisa sii raaciyay goolhaya David De Gea.

De Gea oo ka hadlaya go’aanka tababare Del Bosque ayaa yidhi: “Kaliya waxaan doonayay in aan ciyaartayda halka ugu saraysa kaga jiro, si aan Vicente del Bosque ugu adkeeyo go’aanka suurtogalnimada cida uu u soo xulan dooo Euro 2016”.

k

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.