De Bruyne Oo Aaminsan In Manchester City Ay Dhaqaaqi Karto Sergio Aguero La’aan, Muxuuse Ka Aaminsan Yahay Tayadiisa?

0
1210

De Bruyne

Kubad sameeyaha dhawana galka ah ee kooxda Manchester City Kevin De Bruyne ayaa ka dhawaajiyay in kooxdiisa ay dhaqaaqi karto iyadoo uu ka maqan yahay shan dhaliye Sergio Aguero.

Weeraryahankaan reer Argentina ayaa laga saaray kulan ciyaareedkii ay Argentina guuldarada kala kulantay Ecuador kulankii ka tirsanaa isreeb-rebka koobka Aduunka 2018, waxaana lasoo wariyay inuu mudo bil ah garoomada ka maqnaan doono.

De Bruyne oo la hadlayay Sky Sports ayaa yiri: “Waa mid ka mid ah weeraryahanada ugu qatarta badan dunida kubada cagta, wey iska cadahay inuu abuuro fursado badan, isagoo waliba dhaliyay kulankii ugu dambeeyay shan gool, balse haatan waan weynay”

“Waan isku dayi doonaa inaan bandhig fiican sameyno la’aantiis waana ku farxi doonaa marka uu noosoo laabto”

Ugu dambeyntiina De Bruyne ayaa si fiican ula qabsaday Citizens iyadoo Aguero uu dhaliyay 8-gool dhamaan tartamada oo dhan xili ciyaareedkaan.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.