DEG-DEG: Guddida Anshaxa Ee Xidhiidhka Kubbada Cagta Aduunka Ee FIFA Oo Sepp Blatter Si Ku Meel Gaadh Ah Uga Xayiray Hawlaha FIFA

0
1061

DEG-DEG: Guddida Anshaxa Ee Xidhiidhka Kubbada Cagta Aduunka Ee FIFA Oo Sepp Blatter Si Ku Meel Gaadh Ah Uga Xayiray Hawlaha FIFAGuddida anshaxa ee xidhiidhka kubbada cagta aduunka FIFA ayaa xayiraad ku meel gaadhan ku soo rogtay madax waynaha FIFA ee Sepp Blatter, waxayna wararku sheegayaan in Blatter 90 maalmood xayiraad laga saaray shaqada FIFA waxaana wali ku socda dambi badhistii uu xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Switzerland ku hayay Blaater.

Klaus Stoehlker oo hore lataliye ugu ahaa Sepp Blatter isla markaana ay yihiin saaxiibo isku dhaw ayaa sheegay in guddida anshaxa FIFA ay Blatter ku soo rogtay xayiraad iyada oo Blatter lagu eedeeyay musuq maasuq iyo inuu lacag siiyay madax waynaha UEFA ee Michel Platini..

Inkasta oo aan wali Sepp Blatter wax xukun ah lagu ridin isla markaana ay wali socoto baadhitaanka lagu hayo isaga iyo Michel Platini. Wariyaha Sky Sports ee Paul Kelso ayaa sheegay in muddada ugu badan ee ay guddida anasha FIFA xayiraad ku soo rogo karto Blatter inay tahay 90 maalmood.

Paul Kelso ayaa sheegay in xiyiraada Blatter ay tahay mid aad u muhiim ah oo soo gabagabayn doonta muddadii 17 ka sano ahayd ee uu Blatter ka soo ariminayay FIFA wuxuuna yidhi: “Xiyaardani waa war aad iyo aad muhiim u ah, waxaa laga yaabaa inay soo gabgabayso 17 kii sanadood ee uu Sepp Blatter soo maamulayay FIFA”. Warka oo dhan halkan kala soco

 

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.