DEG DEG:Soomaali ku dhimatey duqeyn ay u geysteen diyaaradaha Dagaalka Sacuudiga

0
586

war-deg-dega121Wakaalladda Wararka Yemen ee SABA ayaa goor dhow shaacisay inay 12 qof oo Soomaali ah lagu dilay duqeyn ay Diyaaradaha Isbahaysiga Yemen maanta ka geysteen dalka Yemen.

Marxuuminta Soomalida ayaa ku geeriyootay kadib, markii ay Diyaaradaha Sacuudiga gantaallo ku dhufteen Buundo ku taalla Degmadda Bagiim ee Gobalka Sacda ee W/galbeed ee Gobalka Sacda.

Warbaahinta Maxaliga ee Yemen ayaa iyagana qoray inay 12 Somali ah ku geeriyootay, dhowr kalena ku dhaawacmeen duqeynta maanta ka dhacday Degmadda Bagiim.

Ma aha markii ugu horreysay oo ay Qaxooti Soomaali ah ku geeriyoodaan Duqeymaha ay Isbahaysiga Sacuudiga ku hayaan Dagaalamayaasha Xuutiyiinta ee Yemen