DHAQ-DHAQAAQ XOOGAN OO AY WADAAN ISKAASHATOOYINKA KALA DUWAN EE GOBOLKA SHABEELAHA DHEXE IYO DHIIRI GELINTA UDHIS.

0
1588

farashaxan2Iskaashatooyinka kala duwan ee gobolka Shabeelaha dhexe ayaa wada dhaq-dhaqaaqyo xoogan oo ku aadan dib isu abaabulid, hagaajin dhismaha iskaashatooyinka iyo u diyaar garoow ka qeyb qaadasho wax soo saarka dalka.

U qeybsanaha Xiriirka Ururada iskaashatooyinka Shabeelaha Dhexe iyo Ururka Dhaq-dhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed (UDHIS), Cabdi Sheekh Maxamuud ayaa kulamo la qaatey xubnaha iskaashatooyinka iminka ka howl gala gobolka Shabeelaha hoose, kana gudoomey warbixino iyo document-yo ay iskaashatooyinka u soo bandhigeen oo soo gaarey xafiiska UDHIS, isla markaasina UDHIS ay la wadaageyso Iskaashatooyinka Qaran eek u jira shaqadana la leh Iskaashatooyinka  ka dhisan dhamaan gobolada dalka.

Iskaashatooyinka iminka ku jira wejiga hore waxaa ka mid ah:

 1- Iskaashatada Farshaxanka Gobolka shabeelaha dhexe,

2- Iskaashatada Birmaasha Gobolka Sh/Dhexe.

3- Iskaashatada Gaadiidka  kala duwan ee Gobolka Shabeelaha Dhexe

5- Iskaashatada Beeraha oo  si aad u habaysan isla markaana hadda ku guda

Jira Diyaarinta sidii ay ku samaysan Lahaayeen Maamul sax ah oo ay ku mideysan

Yihiin ,.

Dhinaca Gudoomiyaha Ururka Dhaq-dhaqaaqa Iskaashatooyinka Soomaaliyeed ee xilligan, Mudane Maxamed Abuukar Afrax ayaa ku booriyay qeybaha kala duwan ee bulshada wax soo saarka ku howlan in ay iskaashi sameeyaan, si loo awoodi karo hergelinta wax soo saar tayo iyo tiro wanaagsanba leh.farashaxan_5 farshaxan

UDHIS, Waxay balan qaadeysaa in ay la wadaagi doonto dhamaan iskaashatooyinka kala duwan horumarinta mashruucyada kala duwan ee laga hergelinayo gobolkaasi iyo gobolada kale ee dalka.

Gobolka Shabeelaha Dhexe, Wuxuu ka mid yahay meelaha dalka ee uu Ilaahey ku maneystay Kheuraad kala duwan oo bulshadu ku inticfaacdo, caalamkana loo iib geyn karo.

farshaxan_4 farshaxan3 farshaxan6

UNION OF SOMALI COOPERATIVES

MOVEMENT (UDHIS )

INFORMATION DEPARTMENT

MOGADISHU, SOMALIA

E-MAIL: info@udhis.net

               alludhis@gmail.com

Web: www.udhis.net

Facebook: www.facebook.com/udhissom

Twitter: www.twitter.com/udhissom

Linked: www.linkedn.com/udhissom