DHOOF JACEYL U DARANAA ‘SHEEKO CUSUB”

0
1923

sheeko

Qeybtii 1 aad
Waa subaxnimo arooryaa jawiga waa xili roobaad cirka waxaa laga maqlaya gugac, saxansaxo udgoon baa la dareymaa saacado kadib halmar waxaa soo da’ay roob xoog badan subaxaas dadka ayaa qaarkood u sii jamaaday goobahooda shaqada qof kasta wuxuu jaanta u sii qaaday Suuqa bakaaraha. Waa halka kaliya dadka nolol maalmeed ka raadsadaan.
Ifraax Xaaji Warfaa waa curudka guriga Xaaji Wafraa waxaa la dhalatay Hal wiil iyo laba gabdhood, Jawiga magaalada Muqdisho waxaa ka jiray dagaalo sokeeye dadka ayaa waxey u kala qeybsameyn laba qeybood Waqooyi iyo Koonfur, xoogaa ka hor waxaa dalka laga saaray Dowladdii dhexe ee dalka Mamuleysay 21 sano oo uu madaxweyne ka ahaa Jaalle Maxamed Siyaad Barre.
Ifraax waxey nolol maalmeedka reerka ugu soo dhicin jirtay Suuqa bakaaro, waxey halkaa ku iibinjirtay miis yaroo qudaar ah, aroor walba waxey u kalihi jirtay suuqaan waxeyna deganeyd agagaarka Suuqa bakaaro ee iskuul Xamar jadiid.
Ifraax Xaaji Warfaa waa gabar dabeecad wanaagsan kaftan badan quruxna alle ayaa ku abuuray goobtii ay ganacsiga ku laheyd waxey ka kasbatay soo jiidasho dadka uma kala soocneyn qalbigeyda kuma jiro qabiil qabiil dadka inay u kala saarto, qof kasta waxey ka dhigatay Waalid iyo walaal, sidoo kale waxey aheyd dadka ka weyn aabbe, hooyo iyo walaal bey ku qadarin jirtay, miiskii yaraa wuxuu yeeshay Macaamiil iyo Kalyanti fara badan, aroortii markey furto meheraddeeda ganacsiga waxey dhulka soo dhigan jirtay jawaan yaroo qudaarta ay ku iibin jirtay maadaama reerkeyda ay ahaayen qoys iska sabool ah oo aan waxba heysanin.
Magaaladii Muqdisho waxaa si xoogeystay dagaaladii sokeeye dadka ayaa waxey bilaabeen inay u kala qaxaan qof kasta halka u is leeyahay naftu wey ku badbaadey ayuu maciin karaadsaday ama yaa lagugu dilin qabiil hebel ayuu ka dhashay Ifraax iyo reerkooda kama aysan qaxin halkii ay deganayeen agagaarka Suuqa bakaaro, maadaama aysan awoodin inay xaafadooda ka qaxaan xaafad kale degaan–sababtoo ah quutul duruuriga ayay bakaaraha
Hanad Saalax Cabdi wuxuu deganyahay degmada Madiino xaafada Mac macaanka ee suuq yare waxaa la dhalatay hal gabar isna wuxuu dukaan ganacsi ugu furan yahay goobta ay Ifraax qudaarta ku iibiso isna subax walba wuxuu u soo kalihijiray Suuqa Bakaaro gabalku markuu dhaco ayuu u soo galban jiray degmada Madiino.
Hqanad yare iyo Ifraax waxey ahaayeen laba qof is kaftan fahmay waxey u wada socdeen si walaaltinimo, ma aysan dhaafsaneyn kaftan.
Hanad yare waxaa la soo gudboonaatay inuu la dhaco dabeecadihii Ifraax waxaa la soo gudboonaatay inuu badweyn dabaasho, waxaa la soo gudboonaatay inuu jaceyl u qaado Ifraax, subax kasta marku goobtiisa ganacsiga yimaado ilaa iyo gabalku dhacaayo wuxuu markasta si hoose u eegaa Suurada Ifraax, Hanad yare waabaa u baryay si uu wax yeelo buu garan waayay halka uu wax ka bilaabi lahaa, Ifraax iyana qudheedu wax bey dareentay eegmadaan faraha badan iyo dhoolo-caddeynta markasta Hanadyare ku soo egaayo iyana waxey bilaabtay inay bilaawdo xishood marku Hanad yare markuu isha ku soo xadaayo iyana Ifraax marka kaftan ayey hoosta gelisaa maadaama ay tahay qof macaamiil badan waxna dareemeyso ha ka hor dhicin ee isaga ka war sug NINKII WAAW YIRAAHDO ISAGA LAGA WAR SUGAA?
Hanad yare talo ayaa ciriiri ku noqotay marku is yiraahdo u soo bandhigo jaceylkaada markii ay ku timaado ee agabkeeda dukaanka ku xareeysaneyso gabalka murku dhaco lahadal Ifraax ayuu isku hadlaa laakiin durbadii markey u timaado waxaa la soo gudboonaata cabsi wuxuu dareemaa wadnahiisa oo dikaamaya ama wadnaha oo dhag dhag leh laba eray oo kaftan ah buu ku ridaa isagoo marna dhinac firinaaya marna hoos iska eegaya bey ku kala tagaan labadooda, Ifraax iyana ma yareeysato waxaa ka du-lhadlay duufaantii jaceylka ileyn dumarku waa caadadooda alle ayaa ku beeray xishood oo kama ay hor dhacaan laakiin qofka ay jeclaadaan waxey dareensiiyaan dhaq dhaaq ay ku muujinaayaan inay qofkaas markey aragto wax uu ku dareemo ha ahaatee markey u socoto xaga dukaanka inay is wal walaaqdo xishood.

LA SOCO QEYBAHA KALE
W/Q Cali Ameeriko
Email: ameriko@hotmail.com