DHOOF JACEYL U DARANNAA? Qeybtii 3aad

0
884


DHOOF JACEYL U DARANNAA? Qeybtii 3aadQeybtii 3aad

Ka: Naf kujacal

Ku :Lajacley

Marka ugu horeeysa,  iga gudoon Salaan sadriga Iyo laabta ka soo go’day,  ma kaaga imaan meel dheer ee waxey kaga timid Jirraankaada,  Ogoow naftu waa qaali, qiimana jaceylka baa leh, naftu adiga bey ku jamatay oo jaceyl qaraweyn bey laabta kugu siddaa, walaasheey,  waxaad igu beertay jaceyl aan halkaan ku soo koobi karin, Sida uu nafsadeyda u dhex qaaday, Inkastoo aan saaran nahay aawadaada buur dheer dusheeda haddana haddii qormadeyda aad ka Gaabsatid! Maalinta Qiyaamaha adaa laguu heystaa Gacaliso! waxaan kuu rajeynaa kheyr iyo caafimaad nabadgelyo.

Hanad yare iyo saaxiibkiis markii ay dhammeeyeen qoraalka dhowr mar bey ku wada celceliyeen si ay uga saaraan qalladaad haddii ay ku jiraan, waxey isku wada raaceen in baqshad la geliyo durbadiiba, waxey ku hubsadeen baqshaddii,  waxeey isku af garteen Hanad yare markii uu bari subax shaqada tago inuu u gudbiyo Ifraax sidaa bey isku isku raaceen. Hanad Yare markii qoraalka dhammeeyeen waxaa loo keenay casho isla markaa waxey bilaabeen inay isla casheeyaan in cabbaar ah markii ay wada Cunayeen cashada  oo ay kaftan iyo sheeko u baxayso ayaa waxaa uu u sheegay Saaxiibkiis inuu baxayo.

Hanad Yare waa uu  soo dhaqaaqay dhanka gurigiisa markiiba wuxuu soo gaaray xaafaddiisa Qolkiisa ayuu toos u galay, dharkii buu iska siibay kadibna sariirta ayuu isku tuuray. Waa nin jaceyl haayo, aduunyo miyuu war ka haayaa.. Jawiga qolka dhexdiisa ka socda kama war haayo. Waxaa qolka u soo gashay walaashiis Ceyni yareey oo saxan raashin ku jiro iyo Tarmuus shaah sidda,,Sidoo kale koobkii lagu cabi lahaa kama marna.. Miiskii bey u saartay iyana wey ka tagtay. In cabbaar ah markii ay maqneyd  ayay qolkii dib ugu soo laabatay, waxey aragtay, iyadoo dooneysa inay ka qaaddo Alaabtii uu ku casheeyay, waxey aragtay cashadii oo weelkii ku jirta! Hal mar bey waxey la soo boodday Hanad Aboowe maad kacdid cashaan ku soo guray, miiska ku soo saaray bal cun.. Hanad yare jawiga kama war haayo,, isaga ayaa isku maqan, hal mar wuxuu Ku soo buraarugay walashiis oo dhaheysa,,Hanad Hanad…

KALA SOCO MARKACADEEY.COM QEYBAHA KALE EE SHEEKADAN IYO SHEEKOOYIN KALE OO XIISO BADAN

W/Q Cali Ameeriko

Email: ameeriko@hotmail.com

[cplw category=”619″ width=”500″ height=”500″ effects=”scrollHorz” posts_to_show=”10″ time=”1000″ sort_by=”date” excerpt_length=”10″ thumb_width=”150″ thumb_height=”150″ date_format=”F j, Y” display=”thumb” order=”desc”]