Diyaarad siday 104 meydadka Xujeyda Iran oo ka degatay Magaalada Tehran (Daawo Sawirada)

0
1058

Xukuumadda Tehran, ayaa waxay si xoogan kaga hortimid in meydadka dadkeeda lagu aaso dalka Sacuudiga, iyadoona ku adkeysatay in dib loogu soo celiyo dalka Iran.

Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani iyo masuuliyiin kale oo dowladdiisa ka tirsan, ayaa waxay ku sugnaayen Garoonka Tehran, markii ay ka soo deganaysay diyaaraddii siday meydadka.

Madaxweynaha wuxuu sheegay inay jiraan boqolaal ka mid ah Xujeyda reer Iran oo nolol iyo geeri aan midna lahayn halka ay ku sugan yihiin, isagoona Sacuudiga ku eedeeyay mid qarinaya tirada Xujeyda ku dhimatay Xajka.

Sacuudiga waxa uu ka digay weerarka dhinaca afka ah ee kaga imanaya Madaxda Iran, isla-markaana aan la siyaasadayn shilka ka dhacday wadada Mina ee duleedka Magaalada Makka.

Boqortooyada Sacuudiga, ayaa waxaa la qirsan yahay in dadaal badan ku bixisay, sidii gurmad sax ah ugu fidin laheyd Xujeydii ku dhimatay, kuna dhaawacantay isbuurashadii wadada Mina.

Boqortooyada, ayaa sanad kasta mallaayiin dollarka Mareykanka ah ku bixisa Xajka, waxayna is bedelo waaweyn ku samaysaa dhismooyinka iyo wadooyinka Xajka.

Diyaarad siday 104 meydadka Xujeyda Iran oo ka degatay Magaalada Tehran (Daawo Sawirada) Diyaarad siday 104 meydadka Xujeyda Iran oo ka degatay Magaalada Tehran (Daawo Sawirada) Diyaarad siday 104 meydadka Xujeyda Iran oo ka degatay Magaalada Tehran (Daawo Sawirada) Diyaarad siday 104 meydadka Xujeyda Iran oo ka degatay Magaalada Tehran (Daawo Sawirada) Diyaarad siday 104 meydadka Xujeyda Iran oo ka degatay Magaalada Tehran (Daawo Sawirada)