Dowlada Talyaaniga oo lacag madax furasho ah siisay burcad badeed Soomaali ah.

0
929

Baaritaan lix bilood ay wadeen kooxda dabagalka u qaabilsan TV-ga Aljazeera ayey kusoo saareen in dowlada Talyaaniga ay lacago madax furasho ah siisay Burcad badeed Soomaali ah oo haystay muwaadiniin kasoo jeeda Talyaaniga.

 Macluumaad Sirdooon oo ay heshay Aljazeera ayaa cadeenaya in wadahadal ay la gashay dowlada Talyaaniga koox Burcad badeed Soomaali ah la isku afgartay in Talyaanigu uu bixiyo lacag dhan $525,000 si burcad badeedu ay u sii dayaaan lahaystayaal kasoo jeeda Talyaaniga sidoo kalana haysta dhalashada wadanka S.Afrika oo ay haysteen burcad badeedu.

Dowlada Talyaaniga Iyo S.afrika oo ay kasoo jeedaan Lahaystayaasha ay burcadbadeedu afduubka u haysteen ayaa markii lasii dayaay waxay warbaahinta usheegeen in wax madax furasho ah aan laga bixin lahaystayaashaasi balse lagu sii daayay howlgal ay iska gaashteen iyaga iyo ciidamada dowlada Soomaaliya wallow macmuulaadka hada lahelay ay waxba kama jiraan ku tilmaamayaan hadalada xukuumadaha Johanesberg iyo Rome.

Documentigan Lahelay ayaa muujinaya in Bruno Pelizarri iyo saaxiibtii Debbie Calitz oo kala haysta dhalashada S.afrika iyo Itly burcad badeeda Soomaalida ay ka qaateen lacag madax furasho ah oo gaareysa $525,000 inkastoo labada dowladoodba ay arinkani dafireen.

Dowlada Talyaaniga oo arinkan wax laga weediiyay wali kama aysan hadlin in lacagahan Nus Malyuunka Dollar gaaraya ay siisay burcad badeeda Soomaalida iyo inkale.