England Oo Wembley Stadium Ku Garaacday Xulka Qaranka Estonia,Walcott Iyo Sterling Oo Shabaqa Soo Taabtay Iyo Saddexda Libaax Oo Guulahooda Xidhiidhka Ah Sii Wata

0
1081

tu

Xulka qaranka England ayaa Wembley Stadium ku soo dhaweeyay xulka qaranka Estonia kulan ka tirsanaa isreeb reebka Euro 2016. Inkasta oo ay England xili horeba calankeeda ka dhex taagatay tartanka qaramada Yurub ee sanadka danbe lagu qaban doono France ayay haddana doonaysay inay rekoodh guul ah oo boqolkiiba boqol ah ay ku dhamaystaan.

Tababare Roy Hadgson ayuu kulankan dhaawac kaga maqanaa kabtanka xulka qarankiisa ee Wayne Rooney laakiin Rooney ayaa abaal marin sharafeed ah gool dhalinta abid ee England la guudoonsiiyay Wembley Stadium.Harry Kane ayaa safka weerarka saddexda libaax ku bilawday isaga oo ay kawada ciyaarayeen Walcott.Rooney

Inkasta oo ay qaybta hore ee ciyaarta England ahayd kooxda fursadaha iyo kubbad haynta ku badnayd ayayna haddana si fiican uga faa’iidaysatay waxayna dhamaadkii qaybta hore heshay goolkeeda furitaanka, waxaana goolkan u saxiixay Theo Walcott kaas oo ka faa’iidaystay kubbad uu ka helay Ross Barkley qaybta hore ee ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1:0 ay England hogaanka ciyaarta ku haysay.Walcott

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay ciyaartu ahayd mid aan xamaasad badan lahayn laakiin England ayaa ugu danbayn goolkeeda labaad heshay daqiiqadii 85 aad waxaana markan goolka udhaliyay Raheem Sterling oo kubbad caawin ka helay Jamie Vardy, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay England hogaanka ciyaarta ku dheeraystay.Sterling

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay England ku garaacday xulka qaranka Estonia oo marti ugu ahaa Wambley Stadium, waxayna sidaa England ku gaadhay guusheedii sagaalaad oo xidhiidh ay ee isreeb reebka Euro 2016 waxayna sagaal kulan ka heshay 27 dhibcood. England ayaa kulanka danbe u safri doonta  Lithuania.

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fekradood ayaa laga bixiyay.