Fadeexad: Wasiirka Howlaha Guud, Eng: Saalax oo bilaabey kala qeybinta Iskaashatooyinka oo dib u soo kabanayay.

0
739

iskaashato_been_abuurWasiirka Wasaarada howlaha guud ee xukuumada federaalka Soomaaliyeed ayaa bilaabey kala qeybinta Xoogaga iskaashatooyinka Soomaaliyeed, xilli iskaashatooyinka ay dib u soo kabanayaan.

Wasiirka Eng: Saalax ayaa boggiisa Facebook-ga soo dhigey war iyo sawir uu ku sheegay in uu kulan uu la qaatey rag uu sheegay in ay ka tirsan yihiin iskaashatooyinka dhagaxa, kuwaasi oo sida la sheegay been abuur ah.

Maxamed Xuseen Abkoow oo ah gudoomiyaha Iskaashatooyinka Dhismaha oo xiriir nala soo sameeyay ayaa sheegay in uusan jirin shir uu ka warqabo oo wasiirka howlaha guud ay la galeen, mudooyinkan dambena la caadeystey in magacooda lagu qaraabto.shahaadadii_uu-Madaxweynaha

Abkoow ayaa sheegay in shaqsiyaad markii looga adkaadey doorashada gudoonka ururka Iskaashatooyinka Soomaaliyeed, kuna socda qaab qabileed uu wasiirka iyo rag kale oo la mid ah ay gadaal ka riixayaan si ay u dhabar jebiyaan howlaha dar darta ku socda ee Iskaashatooyinka.

 Wuxuu sheegay in  Ururka Iskaashatooyinka Dhismaha uu gadoomiyaha ka yahay ay aqoonsan tahay dowlada federaalka, iyadoo buu yiri madaxweynaha dowlada federaalka uu isaga (Abkoow) gudoonsiiyay Shahaado Sharaf, kadib markii ay ka qeyb qaateen iskaashatooyinka dhismaha mashruuca dalkaaga dhiso.

HALKAN KA DAAWO DOORASHADA GUDOONKA URURKA DHAQ-DHAQAAQA ISKAASHATOOYINKA SOOMAALIYEED EE UDHIS

Xafiiska Muqdisho ee markacadeey