Fanaanada farxiyo Kabayare oo shaacisay in laga hor joogsadey Show ay ku qaban lahayd Muqdisho, Yaa ka horjoogsadey? (Daawo)

0
112

kabayareFanaanada Soomaaliyeed ee caanka ah Farxiyo Kabayare ayaa sheegtay in la rakaateeyay Show ay damacsaneyd in sanadka cusub ku qabato magaalada Muqdisho, ka dib markii loo diiday Hotelkii ay showgaasi ku qaban lahayd.

Shaqsi aanay magaciisa sheegin ayeey sheegtay inuu hor istaagay hotelka CITY PLACE oo ay showgani ku qaban lahayd, lana dul dhigay lacag badan, loona sheegay dadka leh Hotelka in Kabayare aan laga kireyn karin.

Hadaba wax waliba waxa ay ku sharaxeysaa Muuqaal ay iyada soo duubtay ugana faalooneysa arrimahaan oo aad u xasaasi ah.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA VIDEO-GA KABAYARE