Filimada Singh Is Bling Iyo Talvar Oo Boxoffice-ka Si Adag Ugu Loolamayo

0
1442

singh-is-bling_144239623210-1024x768Labada filim ee haatan tiyaatarada wada saaran Singh Is Bling iyo Talvar ayaa iska daba imaan rabaan waxaana ka dhaxeeyo loolan xoogan dhanka lacagaha.

Akshay Kumar filimkiisa wixii ka dambeeyay sedexdii maalmood ee ugu horeesay haatan hoos u dhac ayuu sameenayaa maalin walbo.

Hadaba filimkan weyn maalintiisii 5-aad wuxuu soo xareeyay 4.25 Crore taasi oo ka dhigan in 10% ilaa 20% hoos u dhac uu sameeyay markii lala bar bar dhigo maalintiisii 4-aad lacagaha uu keenay.

Singh Is Bling wadarta guud 5-maalmood ee ugu dambeesay wuxuu filimkan gudaha Hindiya kasoo xareeyay 56 Crore.

Sida muuqato Singh Is Bling gaabis weyn ayaa ku yimid waxaana la sadaalinaa in todobaadkiisa kowaad uu ku ekaan doono 65 Crore.

Dhinaca kale filimka Irfan Khan hogaamiyaha ka yahay Talvar ayaa helay daawadayaal ku filan taasi oo ka caawisay in hoos u dhac weyn uusan sameynin.

Filimkan sheekadiisa lala dhacay wuxuu maalintiisii 5-aad keenay 1.65 Crore taasi oo ka dhigan in wax hoos u dhac ah uusan sameynin markii lala bar bar dhigo maalintiisii 4-aad.

Wadarta guud filimka Talvar ilaa haatan wuxuu soo xareeyay 12.30 Crore wuxuuna noqon doontaa filim guuleestay madaama 22 Crore lagu qarash gareeyay sidoo kalena uu mudo dheer tiyaatarada baaqi kusii ahaan doono.