Filimada Singh Is Bling Iyo Talvar Todobaadkooda Kowaad Lacagaha Ay Soo Xareeyeen

0
1066

singh-is-bliing-movie-9

Akshay Kumar oo wato filimka Singh Is Bling iyo Irfan Khan oo hogaamiye ka ah filimka Talvar ayaa haatan dhameesteen mudo todobaad ah oo ay gudaha Tiyaatarada Hindiya saaran yihiin.

Akshay Kumar filimkiisa waxaa la saaray 3,100 oo tiyaatar wuxuuna filimkan si wacan u gadmay sedexsii maalmood ee ugu horeesay asigoo soo xareeyay 45 Crore.

Laakiin 4-maalmood ee ugu dambeesay filimkan hoos u dhac lixaad ah ayuu sameeyay taasi oo sababtay in todobaadkiisa kowaad Singh Is Bling uu soo xareeyo 62 Crore.

Laakiin kooxda filimkan qarash gareeyeen iyo website-yada xogta (Producer Figure) adeegsadaan waxay shaaca ka qaadeen in todobaadkiisa kowaad uu Singh Is Bling soo xareeyay 75.50 Crore.

Waxaana u dhaxeeyo labada dhinac farqi aad u weyn balse anaga marwalbo waxaan soo xiganaa lacagaha ay shaaca ka qaadeen (Trade Figure) oo ah kooxda cajaladaha qeybiyeen midaas oo haatan todobaadka kowaad ku sheegtay filimkan inuu keenay 62 Crore.

Gobolka ugu wanaagsan East Punjab wuxuu kasoo xareeyay 9.50 Crore laakiin lacagahan waxay ka hooseeyaan filimka Tanu Weds Manu Returns todobaadkiisa kowaad lacagaha uu ka keenay isla East Punjab.

Sidoo kale Delhi wuxuu filimkan kasoo xareeyay 15 Crore halka Mumbai uu ka keenay 17 Crore wuxuuna lacag ahaan filimkan Mumbai siweyn kaga hooseeyaa sedexda filim ee Akshay sanadkan sameeyay Baby, Gabbar iyo Brothers taasi oo ka dhigan in reer Mumbai ay iska diideen Singh Is Bling.

Singh Is Bling waxaa la filaa in 70% ama 80% hoos u dhac uu sameeyay todobaadkiisa labaad madaama filimkan inta badan tiyaatarada laga dajiyay, haatana waxaa ku adkaan doonto Akki iyo kooxdiisa inay filimkan lacagihiisa 92 Crore lagu qarash gareeyay inay dib usoo celiyaan!

Dhanka kale filimka Talvar ee Irfan Khan hogaamiyaha ka yahay todobaadkiisa kowaad wuxuu soo xareeyay 15.50 Crore weliba 625 tiyaatar oo kaliya ayaa filimkan la saaray.

Talvar waa filim caalami ah oo ay dadka oo dhan ka heleen haatana dalabaadkiisa ayaa aad u sareeyo waxaana la filaa in isbuuca labaad uu ka lacag badiyo filimka Singh Is Bling!

Talvar waxaa lagu qarash gareeyay 22 Crore sidaa darteed lacagihiisa filimkan wuu soo celin doonaa madaama uu sare u socdo wuxuuna noqon doonaa filim guuleestay.

478 total views, 478 views today

Fekradaada Facebook Ku Dhiibo Ama Qeybta Hoose Ee Fekradaha:

Fikir Ayaa Laga Dhiibatay Warbixintaan