Filimka Talvar Looma Dhawaan Karo Wuxuuna Kusii Socdaa Hit Dhameestiran Inuu Noqdo

0
1149

talvar

Inaba caadi ma ahan sheekada filimka Talvar ayaa shacab weynaha Hindiya ku qasabtay inay filimkan si joogto ah u daawadaan.

Filimkan Irfan Khan iyo Konkana Sen Sharma hogaamiyaha ka yihiin ayaa mudo 11 maalmood ee uu tiyaatarada gudaha Hindiya saaran yahay wuxuu soo xareeyay 23.50 Crore.

Talvar oo tiyaataro kooban laga daawanaayo wax hoos u dhac ah ma sameenayo maalin walbana lacago isku mid ah ayuu soo xareenayaa ayadoo xili shaqo ay tahay.

Talvar waxaa lagu qarash gareeyay 22 Crore haatan sidaan ayuuba ku yahay filim guuleestay laakiin sida muuqato Hit dhameestiran ayuu noqon doonaa.

Waayo filimkan markii hore waxaa lagu sadaaliyay in 30 Crore uu cimrigiisa ku istaagi doono laakiin 35 Crore iyo ka badan inuu gaari doono ayuu u egyahay madama maal maha shaqada xitaa si wacan loo daawanayo filimkan.

Dadka Boxoffice-ka ka faaloodaan ayaa ku doodeen hadii filimkan 1000 tiyaatar ama ka badan la saari lahaa inuu Super Hit noqon lahaa sidoo kalena macaash fara badan laga heli lahaa.